Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Halkan Waxaa Ah Qaar Ka Mid Ah Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Kor Loogu Qaadi Karo Kalsoonida Ilmaha:
- Ku Amaan Wax-qabadyadiisa Iyo Guulihiisa, Isla Mar Ahaantaana Aad Ha U Buunbuunin (Aad Ha Uga Bad-Badinin)
Aad bay u fiican tahay in carruurta lagu ammaano wax-qabadyadooda, sidoo kale waa muhiim in ubadka la ogeysiiyo in aad ku faraxsan tahay ka waalid ahaan dadaalkooda, natiijo kastaba ha ahaatee. Sidoo kalena (waa mar labaadee) waa in lagu dhiirigaliyo hab-dhaqanada wanaagsan iyo kor u qaadida kalsoonida nafta.
Markaad ammaanayso ilmahaaga, waa inaad qeexdaa wax-qabadka ama hab-dhaqanka wanaagsan ee uu sameeyay. Tusaale ahaan: “Waad Ku Fiicnayd Markii Aad Walaalkaa La Wadaagtay Alaabta!” Marka aad si gaar ah u sheegto waxa wanaagsan ee uu sameeyay inankaagu/inantaadu, waxay u badan tahay inay taasi xoojiso kalsoonidiisa ku aadan dadaalka uu bixiyay, iyadoon loo eegayn natiijada ka dhalatay dadaalkaas.
Laakiin se si loo ilaaliyo qiimaha “ammaanta” oo aysan u noqonin iska hadal ama buunbuunin, isla mar ahaantaana la rabo in ay saameyn ku yeelato kalsoonida ilmaha, waa in ay ku salysnaataa waxyaabo runtii mudan in la ammaano.
Waayo ammaanta joogtada ahi waxay lumisaa qiimihii hore ee ay lahayd, ubadkuna ma dareemayaan in ay qabteen wax qiimo leh, sababtoo ah amaantii oo qiimo beeshay.
Halka ubadka qaar aysan qabanayn wax fal ah ilaa inta laga amaanayo mooyee, oo ay taasi sababtay in aysan waxba qabanin ilaa iyo inta ay ka helayaan amaan, taasoo ugu danbayntii caado u noqota noloshooda danbe.
- Ku Daawo khataraha Yar-yar
Waa wax dabiici ah in aad rabto in aad ilmahaaga ka ilaaliso khataraha, laakin marka dhan kale laga eego taasi waxay keenaysaa in aad ilmahaaga ka ilaalinayso khaladaadka uu wax ka baran karo, hadalkaygu kama dhigna in aan ku leeyahay ilmahaaga ku daawo khataraha uusan awoodin inuu iska dulqaado, ee waxaan uga dan leeyahay in aad ku eegto khataraha qaar ee uu xammili karo, misna aad is leedahay wuu ka bixi karaa hadii uu adeegsado maskaxdiisa iyo awoodihiisa, taasoo ku dhalinaysa kalsooni faro badan, waana halkan ujeedka aan rabno ka waalid ahaan.
Qalad samayntu sideedaba waxay qofka siisaa fursad waxbarasho, markaa isku day inaad u ogolaato ilmahaaga in uu khataraha laf-ahaantiisa maareeyo, iyadoon ka madhnayn kormeerkaaga, iyo ilaalintaadaba.
Sii ilmahaaga fursad uu ku waajaho khataraha aad is leedahay wuu xallin karaa hadii uu adeegsado awoodihiisa, markaa iyada ah hadii uu ku guulaysto xallinteeda iyo hadii uu ku guuldaraystaba waxay u noqonaysaa waayo-aragnimo iyo kalsooni uu kororsaday, maadaama uu waajahay khatarta.
- Ku Dhiiri Geli Inay Qaataan Go’aamo Ku Habboon Da’dooda
Go’aan qaadashada waxay ubadka ka caawisaa kalsoonida nafta, iyo in ay noqdaan kuwo isku kalsoon, waxaadna ilmahaaga u soo bandhigi kartaa doorashooyin kala duwan oo ku habboon da’dooda, sida inaad u ogolaato inuu kala doorto dharka uu xiranayo, waxa uu cunayo quraacda, ciyaarta uu ciyaarayo, halka uu ku qadaynayo, ama midabada uu u isticmaalayo sawiradiisa (hadii uu yahay mid wax sawira), iwm.
Xusuusnoow waxaan ku idhi inaad u soo bandhigto doorashooyinka, ee ma ahan in aad u ogolaato in uu isaga iskii uu wax u doorto tusaale ahaan, waa inaad ku tidhaahdaa (kan mise kan), bedelkii aad siin lahayd ogolaansho furan oo uu ka odhan lahaa (kanaa rabaa ama kanaa rabaa) adiguna aanad ku qanacsanayn.
Carruurta oo loo diido in ay qaataan go’aan kasta maaha wax si u fiican, sababtoo ah waxay hoos u ridaysaa kalsoonida naftooda. Sidaa darteed bixi oo sii doorashooyin furan oo iska caadi ah, una ogolow ilmahaagu inuu ka dhex doorto waxa uu rabo, taasoo dhisaysa kalsoonidiisa, maadaama uu wax go’aansaday.
Hadii se ay lama huraan noqotay in la faragaliyo doorashadiisa, oo ay u mooqato in aysan haboonayn, u sharax oo u faahfaahi sababaha keentay in la bedelo doorashadiisa.
- Ha Barbar Dhigin Ubadkaaga Caruurta Kale
Iska ilaali inaad ilmahaaga barbar dhigto walaalahood ama ardayda ay isku fasalka yihiin, sida adiga oo yidhaahda “Maxaad ugu dhaqmi la’dahay sida walaalkaa ama saaxiibkaa oo kale?” ama “Bal eeg sida walaashaa ay ugu fiican tahay wax-barashada! Maxaa kuu diiday inaad sideedoo kale noqotid?“.
Isbar-bardhiggan ayaa carruurta ka dhigaya inay ka shakiyaan naftooda, oo ay rumaystaan inaysan buuxin karin ama aysan keeni karin waxa aad rabto ka waalid ahaan, ugu danbayntiina waxa ay luminayaan kalsoonida naftooda.
Taa bedelkeeda waxaad adeegsan kartaa isbarbardhig noocan ah oo u dhexeeya waxa uu ilmahaaga markii hore ahaa iyo maanta suu yahay. Tusaale ahaan, waxaad odhan kartaa, “Dhowr bilood ka hor, waxa aad kari wayday in aad akhrido hal weedh, se haatan waxaad akhrin kartaa cutub dhan, taasoo ah hormar wanaagsan oo aad gaadhay” Ha odhan, “da’daada maanta marka uu walaalkaa jiray ama hebel kale uu jiray, wuxuu akhrin jiray buugaagta“.
Kaliya diirada saar guulihiisa iyo wax-qabadyadiisa, hana la barbar dhigin cid kale. Sababtoo ah ilmo kastaa si u gaar ah ayuu u koraa, mana jiraan laba carruur oo isku mid ah, ama dhan walba iskaga mid ah.
- Marka Uu Khaldamo Hubi In Uu Ilmahaagu Og Yahay In Aad Ka Xuntahay Doorashadiisa Ee Aadan Isaga Laf-Ahaantiisa Ka Xumayn
Cadhadaada ha u ogolaan inay ku maamusho, kaliya waa inaad bixiso dhaleecayn wax dhisaysa (oo aan wax burinayn) isla mar ahaantaana sharaxaysa oo faahfaahinaysa sababaha keenay xanaaqaaga, iyada oo aan saamayn ku yeelan kalsoonida naftiisa.
U sheeg in waxa ku dhibaya adiga ka waalid ahaan ay tahay doorashadiisa, ee aysan ahayn laf-ahaantiis ama shakhsi ahaantiisa. Dhamaan dhaleecayntaada ku toosi ama ku leexi falka uu sameeyay, bedelkii aad isaga laf-ahaantiisa dhaleecayn lahayd.
- U Dir Hawlo Ka Qayb Qaadanaya Koridda Kalsoonidooda
In ilmaha loo qoondeeyo hawl isla mar ahaantaana lagu amaano hadii uu gutto, waxay dareen siinaysaa dareen masuuliyadeed iyo qiimo ahaanshiyo, waxayna ka caawisaa inuu kor u qaado kalsoonida naftiisa.
Dirista shaqooyinka guriga ee fudud ayaa ah hab fiican oo lagu dareen siin karo ilmaha inay dushooda ahaatay xoogaa masuuliyad ah, loona baahan yahay in uu ka soo baxo masuuliyadaa, waadna kala qayb gali kartaa gudashada hawsha laga rabo, tusaae ahaan adigoo u bilaabaya shaqada, ama ka caawinaya meelaha ku adag inuu ka gudbo, ama u balan qaadaya hadii uu soo gaar siiyo heer cayyiman in aad la dhamayn doonto inta hadhay, iwm, waxayna taasi kor u qaadaysa kalsoonida naftiisa.
Isku day inta karaankaaga ah inaad ilmahaaga u dirto hawlo iyaga maaweelin u ah, markaa iyada ah ilmahaagu ma dareemayo muddada uu fulinayo hawshan wax caajis ah ama in ay tahay shaqo uun, tusaale ahaan, carruurta jecel inay badanka dibadda joogaan waxaad u diri kartaa hawlaha beerta, dhaqidda baabuurka ama laalaabista dharka, iwm.
- U Ogoloow Inay Wakhti La Qaataan Dadka Ka Waaweyn Da’ahaan
Xaqiiqda ayaa ah in ay ubadku badankoodu doorbidaan in ay wakhti la qaataan facooda ama dhiggooda (asaagooda), laakiin se ubadku hadii ay marar badan ag joogaan oo ay wakhti la qaataan dadka ka waaweyn da’ahaan waxay u badan tahay in ay ka koriin fiicnaadaan kuwa aan marar badan wakhti la qaadan dadka ka waaweyn da’ahaan, haday noqon lahayd dhanka garaadka iyo hab-fikirkaba, iyagoo u maraya sheekooyin, iyo doodo dhexmaray awgeed.
Sii wakhti ay kula sheekaystaan dadka ka waaweyn da’ahaan ee ay ku kalsoon yihiin, sida asxaabta ay ku kulmaan xafladaha qaar ama booqashooyinka qoyska ee qaraabada, runtii tani waxay waxtar weyn u yeelan kartaa koridda iyo kor u qaadidda kalsoonida ilmaha.
- Sii Madax Bannaani
Dareenka madax-banaanidu waa xirfad muhiim ah oo lama huraan u ah carruurta. Ka waalid ahaan, mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad samayn karto si aad u koriso korna ugu qaaddo kalsoonida ilmahaaga waa inaad u ogolaato isaga ama iyada inay madax-bannaanaadaan.
Dabcan mar walba iyo wax walba uma madax-bannaanaanayaan, ee waa waxyaabo iyo marar gaar ah uun, kuwaasoo ku salaysan da’da uu jiro.
Waa inaad mararka qaar ilmahaaga siisaa madax-bannaani, siiba marka aad dareensan tahay arrimuhu inay saxan yihiin ama ugu yaraan ay yihiin sidii la rabay, adigoo dhawr tillaabo dib u qaadaya oo dusha sare ka fiirinaya sida uu u dhaqmayo, taasoo dhalinaysa kalsooni nafeed.