Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Cuntooyinka Khatarta Ku Ah Nolosha Dhalaankaaaga - Ubadka
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalaanka > Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga
Dhalaanka

Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga

DadBane
Last updated: 2023/03/28 at 2:04 PM
By DadBane 4 Min Read
Share

In kasta oo ay hooyooyinku badankoodu aad ugu hanweyn yihiin in dhalaankooda ay siiyaan bilaha ugu horreeya cuntooyin caafimaad leh oo ku habboon, haddana qaarkood ayaa si aan ula kac ahayn dhalaankooda u siiya cuntooyinka khatarta ah ee u keeni kara waxyeello, khatar gelin karana nolosha dhalaanka bilaha ugu horreeya.

Ugu horreayn, aan ogaanno in dhalaanka bilaha ugu horreeya (0-6 bilood) la siiyo wax cunto ah ay gabi ahaanba bannaanayn, sida ay sheegeen Hay’adda Caafimaadka Adduunka, sababtoo ah hab-dhiska dheefshiidka jidhkiisu ma awoodo inuu cuno wax cunto ah 6 bilood ka hor, waxaana nafaqo ahaan kaga filan naasnuujinta la siiyo.

Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Cuntooyinka Khatarta Ah, Ayna Tahayna In Aad Ka Fogayso Dhalaankaaga

  • Malabka

Inkastoo hooyooyinka qaar malabka u arkaan in uu yahay cunto dabiici ah oo faa’iido u leh ilmaha jirkiisa, gaar ahaan marka ay doonayaan in ay macaaneeyaan cuntada iyaga oo aan isticmaalin sonkor, haddana malabku wuxuu ka mid yahay cuntooyinka khatarta ah ee khatar galin kara nolosha dhalaanka gebi ahaanba sannadka ugu horreeya, sababtoo ah waxa ku jira bakteeriyada Clostridium botulinum, taasoo sababta in ay soo saarto jeermis khatar ku ah nolosha dhalaanka.

Waxaana talo ah inaad ilmahaaga ka fogayso malabka in muddo ah, sababtoo ah marxaladan waxaa waxwalba nooga muhiim ah caafimaadkiisa, waxaana la doorbidaa in malabka laga fogeeyo ilaa sanadka labaad ugu yaraan.

  • Caanaha Lo’da

Caanaha lo’du waa mid ka mid ah cabitaanada ugu waa-wayn ee ay tahay in aan la siin dhalaanka ilaa sanadka ugu horreeya, gaar ahaan inuusan noqonin bedelka naaska hooyada ama caanaha la qoosho, taa bedelkeeda waxaa la doorbidaa in la siiyo cuntooyinka fud-fudud (hadii ay ka fursan waydo), sababtoo ah hab-dhiska dheefshiidka jidhkiisu ma dheefi karo borotiinada ku jira caanaha lo’da.

Caanaha lo’du waxay ka kooban yihiin xaddi macdan ah oo dhaawici kara kelyaha dhalaankaaga.

  • Saloolka (Daangada)

Saloolka (Daangada) ayaa gabi ahaanba loo diidaa inay cunaan caruurta yar-yar, gaar ahaan dhalaanka da’dooda ay ka yar tahay 6 bilood. sababtoo ah waxay keentaa xaalado badan oo neef-qabatin ah, maadaama saloolku mararka qaar (hadaysan u badnayn) uu la socdo galley aan si fiican u bislaan, dhici kartana inuu cunaha kaga dhago, taasoo keeni karta neef yari.

  • Qaybaha Waa-Weyn Ee Khudaarta Iyo Midhaha

Hooyooyinka qaar ayaa u jar-jara khudaarta iyo midhaha qaybo waa-weyn si uu ilmuhu u qabsado marka uu cunayo, (Ka Digtoonow Arrintan), waayo waa mid ka mid ah sababaha ugu waa-weyn ee keena neef-qabatinka, iyo in uu ilmuhu ku adkaato liqitaanka. Markaa waxaa lagu taliyaa in jar-jaritaanka lagu jaan-gooyo cabbir uu liqi karayo.

  • Cuntooyinka Xasaasiyadda U Leh Dhalaankaaga

Dhakhaatiirtu waxay waalidiintu kula talinayaan gaar ahaan hooyooyinka inay dib u eegaan cuntooyinka xasaasiyadda ku keeni kara dhalaanka ilaa sanadka ugu horreeya, sida kalluunka, shukulaatada, muuska, strawberries, lawska, iyo daqiiqda cad. Waxaana laga yaabaa inaadan si toos ah u ogaan saameyntooda, laakiin hadii aad dhan kale ka eegto waxaa laga yaabaa ama ay badan tahayba inay dhibaato ku keenaan caafimaadkiisa, sidaa darteed ka ilaali ilmahaaga cuntooyinka xasaasiyadda u keeni kara ugu yaraan sanadka ugu horeeya.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Dhicitaanka Dhalaanka – Maxaa Dhaca Marka Uu Ilmuhu Dhaco?

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

Calaamadaha cuntooyinka, Cuntooyinka Khatarta Ah
DadBane March 28, 2023 February 27, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay5
Iska Caadi1
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Dhicitaanka Dhalaanka - Shilalka qaar, xittaa waxay dhacaan waalidiintoo aad u taxaddar badan, isla mar ahaantaana feejigan, dhicitaanka dhalaanka waa arin badanka ku dhacda qoysaska.

Dhicitaanka Dhalaanka – Maxaa Dhaca Marka Uu Ilmuhu Dhaco?

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirita Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?