Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Waalidiinta intooda badani waxay jeclaystaan inay ubadkooda ku koraan qiyam iyo mabaadi’a wanaagsan isla mar ahaantaana ku dhiirigeliyaan dabeecadaha iyo hab-dhaqanada wanaagsan, Hadaba mid ka mid ah qiyamka ugu wanaagsan ee ay tahay inaad ilmahaaga barto ayaa ah fikradda ah wax-wadaagidda.
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
Caruurta

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

DadBane
Last updated: 2023/04/26 at 1:43 AM
By DadBane 5 Min Read
Share

Waalidiinta intooda badani waxay jeclaystaan inay ubadkooda ku koriyaan qiyam iyo mabaadi’a wanaagsan isla mar ahaantaana ku dhiirigeliyaan dabeecadaha iyo hab-dhaqanada wanaagsan, Hadaba mid ka mid ah qiyamka ugu wanaagsan ee ay tahay inaad ilmahaaga barto ayaa ah fikradda ah wax-wadaagidda.

Inkastoo muhiim ay tahay in aad ilmahaaga barto fikradda ah wax-wadaagidda, hadana hadii aad ku khasabto iyagoo aad u da’ yar waxay naftooda ku yeelan kartaa saamayn xun.

Ugu horrayn, bar ilmahaaga fikradda ah lahaanshaha ka hor inta aanad barin fikradda ah wax-wadaagidda, taasoo maskaxdiisan yar ka dhaadhicinaysa in uusan asal ahaanba u lahayn shaygan, waxayna taasi dhalinaysaa in uu dib uga joogsado waxyaabihii uu jeclaan jiray ama uu isa siini jiray, amaba ay lahaayeen dadka kale, taasoo marar badan dhacda inuu iyaga kugu la dhago alaabta uu jeclaado.

Sii Daalaco

“Madax-adayga Ubadka” Waa Maxay? Ma Dhaqan Dabiici Ah Baa?
Raac Qodobadan Si Aad U Kobciso Garaadka Ilmahaaga… Korinta Garaadka Ubadka
Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco?

Carruurtu waxay jecel yihiin sahaminta iyo ogaanshaha waxyaabaha ka dhacaya hareerahooda, sida alaabta lagu ciyaaro iyo wax kasta oo xiiso u leh oo ay ku arkaan hortooda.

Ilmuhuna waxa uu bilaabaa inuu samaysto rabitaan ah lahaanshiyo, marka uu shay gaar ahna qabsado wuu diidaa inuu bixiyo ama uu ka tanaasulo, sababtoo ah wuxuu isku haystaa inuu yahay kan leh shagan ama ay tiisa tahay, isaga oo kaliya jeclaaday ama ka helay qaabkeeda.

Ilmaha da’ahaan u dhaxeeya laba ilaa afar sano, mabda’a lahaanshaha ayaa aad uga muuqda hab-dhaqankiisa iyo xitaa hadalkiisa, iyadoo laga yaabo in ay noqoto odhaahyadiisa ugu horreeya “Kan ama Tani anaa leh” ama si guud “anaa leh“, isagoon waliba hadalka saani ama si fiican u baran.

Waalidiintuna marka ay maqlaan odhaahdan ah (anaa leh), waxa ugu horreeya ee maskaxdooda ku soo dhacaya ayaa ah in ay ilmaha yari baraan fikradda ah wax-wadaagidda, xitaa haddii uu aad u yar yahay oo aannuu gaarin laba sano.

Dhab ahaantii, ubadku sidoodaba ma aha kuwo raba inay wax wadaagaan, haday noqon lahayd alaabta ay ku ciyaarayaan, ama waxyaabaha kale ee ay jeclaysteen, isla mar ahaantaana ay haystaan, iyagoo diidan xittaa inay beddelaan.

Laakiin marka ay da’doodu gaadho ilaa saddex sano, waxa ay bilaabaan inay fahmaan fikradda ah wax-wadaagidda, laakiin se si buuxda uma aqbalaan.

Marar badan, waxaa dhacda waalidiintu inay ubadkooda ku khasbaan caruurta kale inay la wadaagaan alaabta ay ku ciyaarayaan, oo ay isla faraxsanaadaan, iyagoo aaminsan misna filaya inay ubadkooda barayaan naxariista, dabeecad wanaaga, iyo fikradda ah wax-wadaagidda.

Laakiin dhab ahaantii, fikradda ah wax-wadaagidda, daynsashada, iyo amaahda dhamaantood waa fikrado fahamkooda aad ugu adag carruurta da’doodu aysan gaarin ilaa saddex sano, mana fahmi karaan waxa ay yihiin iyo waxa loola jeedo, sababtoo ah weli ma aysan yeelan dareen shucuureed, misna si fiican oo buuxda uma dareemi karaan dhinaca kale ee ay wax la wadaagayaan, siiba ilmaha aan hore u helin wacyigelin ku filan oo ka dhan ah wax-wadaaga.

Markii aad ilmahaaga ku khasabto in uu dadka kale wax la wadaago, si aad u barto in fikradda ah wax-wadaagidda ay tahay fikrad bulsheed oo wanaagsan isla mar ahaantaana qurux badan, waxaa dhacaysa taa bedelkeeda, isagoo u haystaa in xaaladani ay tahay xaaladihiisii ugu xumayd ee uu marayo, maadaama lagu khasbay inuu ka tanaasulo wax uu u haystay inuu isaga lahaa ama si dhab ah uu u lahaa, amaba si guud uu u jeclaaday, taasoo ka hortimid rabitaanadiisa, kumana qanacsana in uu dadka kale wax la wadaago, mayba ahaato walaaladii ama qaraabadii.

Adeegso Hadallo Dhiirigelinaya Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Fikradda ah wax-wadaagidda waa in ay ka timaadaa ilmahaaga ama waa in uu ugu danbayntii ku qancaa marka aad u soo bandhigto, waadna u jihayn kartaa dhankaas, adigoo adeegsanaya xeeladahan, iyo hadaladan wanaagsan ee soo socda:

  • U sheeg saaxiibkaa inaad gaarigaaga u dhiibi doonto marka aad ku dhamaysato ciyaarta
  • Waxaan arkaa inaadan haatan ku ciyaarayn gaarigan, sidaa darteed ma rabtaa in aad la wadaagto saaxiibkaa oo doonayay in uu kula ciyaaro.
  • Saxiibkaa ma ahan inuu ku siiyo gaarigiisa, laakiin waxaad ka dalban kartaa inaad la ciyaarto isaga.

Muddo ka dib adeegsiga weedhadan iyo weedho kale oo ku dhiirigelinaya inay dadka wax la wadaagaan, waxay noqon doonaan kuwo hadda ka dib u fur-furan wax-wadaagidda, waxayna wax u samayn doonaan si ikhtiyaari ah.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Tilmaamayaal Tilmaamaya Garaadka Sare Ee Ilmaha

Calaamadaha Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
DadBane April 26, 2023 April 22, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay1
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Cuntooyinka Khatarta Ku Ah Nolosha Dhalaankaaaga - Ubadka

Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?