Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
CaruurtaDhalaankaDhalinyarada

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

DadBane
Last updated: 2024/03/18 at 7:31 PM
By DadBane 6 Min Read
Share
Tusmada Qormada
Hurdada Dhalaanka: Laga Bilaabo Todobaadka 1 Ilaa Toddobaadka 4Hurdada Dhalaanka: Laga Bilaabo Bisha 1 Ilaa Bisha 4Hurdada Dhalaanka: Laga Bilaabo 4 Bilood Ilaa 12 BiloodHurdada Saanqaadka: Laga Bilaabo 1 Sano Ilaa 3 SanoHurdada Ilmaha: Laga Bilaabo 3 Sano Ilaa 6 SanoHurdada Ilmaha: Laga Bilaabo 7 Sano Ilaa 12 SanoHurdada Ilmaha: Laga Bilaabo 12 Sano Ilaa Qaan-gaarnimada Iyo Wixii Ka Danbeeya

Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhsi ahaaneed.

Aad bay muhiim u tahay in la ogaado inta saacadood ee uu dhalaankaagu u baahan yahay inuu helo hurdo ku filan, si loo damaanad qaado heerkiisa korriimeed.

Sidoo kale la kaasho dhakhtarka caruurta hadii uu ilmahaagu awoodin inuu helo hurdo ku filan, ama uu la kulmo dhibaatooyin ka dhan ah hurdada.

Halkan waxaa ah tirada saacadaha hurdada ilmaha ee ay heli karaan, laga bilaabo bilaha hore ee dhalaanka ilaa marxalada qaan-gaarnimada ama dhalinyarnimada.

Hurdada Dhalaanka: Laga Bilaabo Todobaadka 1 Ilaa Toddobaadka 4

Dhalaanka cusub sida caadiga ah waxay seexdaan qiyaastii 14 ilaa 17 saacadood maalintii, laakiin aan xidhiidh ahayn, oo kala goys goys ah oo u dhaxeeya 2 ilaa 4 saacadood.

Dhalaanka dhiciska ah ayaa laga yaabaa in uu ka hurdo badto dhalaanka caadiga ah, halka dhalaanka calool-xanuunka qabaa uu ka hurdo yaraan karo.

Sababtoo ah dhalaanku weli ma uusan yeelan saacad bayoolojiyeed oo gudaha ah, qaabka hurdadiisuna kuma xirna iftiinka maalintii iyo wareega habeenkii.

Dhab ahaantii, toddobaadyada hore ee dhalaanku waxay u muuqdaan in aanay helin wax badan oo hurdo ah oo xasilloon haba yaraatee.

Hurdada Dhalaanka: Laga Bilaabo Bisha 1 Ilaa Bisha 4

Marka uu gaadho 6 toddobaad, hurdada dhalaankaagu waxay bilaabi doontaa inay yara degto, oo ay dib isku gurto.

Wakhtiyada hurdada xidhiidhka ahi sidoo kale way sii dheeraadaan, iyagoo si xidhiidh ah u seexda 4 ilaa 6 saacadood oo ka mid ah 14 ilaa 15-ka saacadood ee ay seexdaan maalintii.

Da’dan marka ay jiraan waxay u muuqdaan inay si joogto ah u seexdaan oo ay u dhacaan fiidkiiba, iyagoo bilaabaya kala soocidda habeenkii iyo maalintii.

Tusaale ahaan, waxay dareemayaan furitaanka daahyada subaxa hore, maqlidda dhawaaqyada iyo hadalka, xidhitaanka daahyada habeenkii, bakhtiinta (daminta) ama yaraynta nalalka iyo hadalka, kuwaasoo ka caawinaya ogaanshaha xaalada lagu jiro.

Hurdada Dhalaanka: Laga Bilaabo 4 Bilood Ilaa 12 Bilood

Ilmaha da’dan jira qaarkood ayaa laga yaabaa in ay seexdaan 15 saacadood maalintii, halka inta badan carruurta da’doodu tahay 11 bilood ay seexdaan kaliya 12 saacadood maalintii.

Da’dan waxay awoodaan inay jidh ahaan seexdaan habeenkii oo dhan, waxaana fiican in maalintii la seexiyo 2 jeer, ka hor inta aan la gaadhin ama aan la dhaafin casarka, si aanay saamayn ugu yeelanin hurdada habeenkii, isla mar ahaantaana uu awoodu inuu wakhti hore seexdo.

Hurdada Saanqaadka: Laga Bilaabo 1 Sano Ilaa 3 Sano

Marka ilmuhu dhaafo sanadka koowaad oo uu jiro 18-21 bilood, waxay u badan tahay inuusan u baahnayn hurdada dheeraadka ah ee subaxii iyo tan galabkii ama fiidka hore, ee uu u baahan yahay kaliya hurdada habeenkii iyo duhurkii.

Halka ilmaha jira da’daan ay u baahan yihiin inay seexdaan ilaa 14 saacadood maalintii.

Sii Daalaco

Tilmaamayaal Tilmaamaya Garaadka Sare Ee Ilmaha
“Madax-adayga Ubadka” Waa Maxay? Ma Dhaqan Dabiici Ah Baa?
Raac Qodobadan Si Aad U Kobciso Garaadka Ilmahaaga… Korinta Garaadka Ubadka

Ilmaha jira da’dan badankoodu waxay u baahan yihiin inay helaan ugu yaraan hurdo dheeraad ah maaliintii, taasoo noqon karta saacad ilaa saddex saacadood iyo badh.

Ilmaha da’daan jira badankoodu waxay seexdaan inta u dhaxaysa 7 iyo 9 fiidnimo, waxayna soo toosaan inta u dhaxaysa 6 iyo 8 subaxnimo.

Hurdada Ilmaha: Laga Bilaabo 3 Sano Ilaa 6 Sano

Carruurta da’daan jirta badanaa waxay seexdaan inta u dhaxaysa 7 iyo 9 fiidnimo, waxayna soo toosaan inta u dhaxaysa 6 iyo 8 subaxnimo, si la mid ah markay yaraayeen.

Caruurta da’daan jirta waxay u baahan yihiin inay seexdaan inta u dhaxaysa 10 ilaa 12 saacadood maalintii.

Marka ay caruurtu da’doodu tahay saddex jir, badankoodu waxay weli u baahan yihiin inay helaan hurdo dheeraad ah maalintii, oo aan ahayn huradadii habeenka.

Halka caruurta da’doodu tahay shan jir ay badidoodu u baahnayn hurdada dheeraadka ah ee maalintii, oo ay bilaabaan in ay si tartiib tartiib ah u yareeyaan hurdada dheeraadka ah.

Hurdada Ilmaha: Laga Bilaabo 7 Sano Ilaa 12 Sano

Da’dan, iyada oo jiraan hawlo bulsheed, mid dugsiyeed iyo mid qoyseed, wakhtiga hurdada ayaa si tartiib tartiib ah dib u dhaca, iyada oo ay inta badan seexdaan 9 habeenimo.

Guud ahaan, wadarta wakhtiga hurdaduna waa 9 ilaa 12 saacadood maalintii, inkastoo celcelisku yahay ilaa 9 saacadood.

Hurdada Ilmaha: Laga Bilaabo 12 Sano Ilaa Qaan-gaarnimada Iyo Wixii Ka Danbeeya

Celceliska qadarka hurdada waxay u dhaxaysaa 8 iyo 9 saacadood maalintii.

Baahida hurdadu wali waxay ahaanaysaa mid muhiim u ah caafimaadka dhalinyarada si la mid ah sidii ay ahaayeen markii ay yaraayeen.

Si kastaba ha ahaatee, cadaadiska bulshada, tacliinta, iyo joogitaanka waxyaabo badan oo kala duwan, sida isticmaalka telefoonada iyo baraha bulshada, ayaa ka hor istaagi kara dhalinyarada helitaanka qaddar hurdo fiican, taasoo saameyn ku yeelan karta wax-qabadyadooda maalinta xigta.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Hurdada, Hurdada Ilmaha
DadBane March 18, 2024 April 23, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay2
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Cuntooyinka Khatarta Ku Ah Nolosha Dhalaankaaaga - Ubadka

Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirita Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?