Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Dhicitaanka Dhalaanka - Shilalka qaar, xittaa waxay dhacaan waalidiintoo aad u taxaddar badan, isla mar ahaantaana feejigan, dhicitaanka dhalaanka waa arin badanka ku dhacda qoysaska.
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalaanka > Dhicitaanka Dhalaanka – Maxaa Dhaca Marka Uu Ilmuhu Dhaco?
Dhalaanka

Dhicitaanka Dhalaanka – Maxaa Dhaca Marka Uu Ilmuhu Dhaco?

DadBane
Last updated: 2023/04/03 at 8:37 AM
By DadBane 2 Min Read
Share

Shilalka qaar, xittaa waxay dhacaan waalidiintoo aad u taxaddar badan, isla mar ahaantaana feejigan, dhicitaanka dhalaanka waa arin badanka ku dhacda qoysaska.

Hadii ilamahaagu ama dhalaankaagu uu ka soo dhaco meel dheer, si shil ah, ama khalad ay cid sabab u tahay, ama sababo kale oo suurtagal ah, markaa iyada ah, waa inaad ugu horreyn is-dajjisaa, neefna qaadataa, iskuna daydaa inaad raacdo tallaabooyinka aan ku sheegay qormadan.

Inkastoo dhicitaanka dhalaanka uu yahay arin badanka dhaca, haddana daraasado la sameeyay ayaa sheegaya in dhicitaanka dhalaanka ay yihiin kiisaska ugu badan ee keena gargaarka degdegga ah ee fudud.

Qaybaheena hoos ee qormadan waxaynu ku faahfaahin doonaa waxa ay tahay inaad sameyso marka ilmahaagu ama dhalaankaagu uu dhaco ama uu ka soo dhaco meel dheer.

Maxaa dhaca marka uu ilmuhu dhaco?

Waxaa suurtogal ah in ilmuhu uu ka dhaco gacmaha waalidiintiisa marka ay sidaan, ama uu ka soo dhaco jaranjarada haddii uu bilaabo inuu iskii u gurguurto. sidoo kalena waxaa suurtagal ah inuu ka soo dhaco meelo sare sida sariirta, miiska cuntada, iyo meelo kale oo ka mid ah guriga.

Xitaa haddii aad ilmahaaga “AAD” uga taxadarto, mararka qaar arrimahani waa mid dhaca. Laakiin arinka layaabka leh ayaa ah in dhicitaanka dhalaanku uu markasta u badan yahay dhanka madaxa.

Waxaana sabab u ah cufjiidadka ilmaha oo ay inteeda badani kaga aadan tahay dhankaa iyo madaxa, kaasoo aad uga weyn jidhka intiisa kale.

Haddii dhicitaanka dhalaankaagu aanu ahayn mid aad u xoogan, ama aanuu ka soo dhicin meel aad u sarraysa, markaa iyada ahi waxa laga yaabaa in dhalaankaagu uu si dhakhso ah u bogsado, oo si tartiib tartiib ah u bilaabo inuu is dejiyo oo uu joojiyo oohinta.

Laakiinse hadii dhicitaanka dhalaankaagu uu ahaa mid xoogan ama uu ka soo dhacay meel aad u sarraysa, oo gaaraysa ilaa 1 mitir iyo wixii ka badanba, markaa iyada ahi waxaa lagu taliyaa in dhakhtarka carruurta loo geeyo lana baadho.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

Calaamadaha Dhalaanka, Dhicitaanka Dhalaanka
DadBane April 3, 2023 March 3, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay5
Iska Caadi2
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah,

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?