Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Hab-Dhaqanada Ubadka Waa Wax Aan La Aqbali Karin
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Hab-Dhaqanada Ubadka Waa Wax Aan La Aqbali Karin
Caruurta

Hab-Dhaqanada Ubadka Waa Wax Aan La Aqbali Karin

DadBane
Last updated: 2023/03/28 at 8:23 PM
By DadBane 4 Min Read
Share
Tusmada Qormada
Dhibaatadu Horta Ma Waxay Ka Taagan Tahay Hab-Dhaqanku Inuu Yahay “Mid Aan La Aqbali Karin” Mise Inuu Yahay “Mid Aan La Fahmi Karin”?Qaar Ka Mid Ah Hab-Dhaqanada Ubadka Iyo Sida Loo Fassiro

Hooyooyinku waxay inta badan ka cawdaan hab-dhaqanada ubadkooda ee “aan la aqbali karin”, iyagoo midwalbaa midka kale uu garaacayo marar badanina ay isku qaylinayaan, waana nooc ka mid ah hab-dhaqanada ubadka, waalidiin badan ayaana raadiya xalal ay kula tacaalayaan hab-dhaqanadan, hase ahaatee in yar oo ka mid ah ayaa ku guulaysta inay xalliyaan.

Dhibaatadu Horta Ma Waxay Ka Taagan Tahay Hab-Dhaqanku Inuu Yahay “Mid Aan La Aqbali Karin” Mise Inuu Yahay “Mid Aan La Fahmi Karin”?

Waxaa badanka la sheegaa in dhibaatada ugu weyn aanay ahayn hab-dhaqanka ubadka, ee ay tahay faham la’aanta ubadka, gaar ahaan faham la’aanta haysata hooyada iyo qoyska.

Hab-dhaqan kastaana wuxuu leeyahay micno iyo ujeedo u gaar ah, hooyooyinka qaar ayaana taa dib ka ogaada, iyagoo xilli danbe gar-waaqsada in ilmahani aanuu ahayn mid “wax xumeeya” ee uu yahay mid “wax sahamiya”.

Intaa ka dib, hooyadu marka ay fahamto hab-dhaqanka ubadkeeda iyo sida ay ula dhaqmi lahayd qof walbaaba si ku habboon, waxa ay dareentaa degenaanshiyo, taasoo hoos u dhigaysa dhibaatooyinka maalinlaha ah, saamaynaysana hab-dhaqanka iyo akhlaaqda ubadkeeda.

Qaar Ka Mid Ah Hab-Dhaqanada Ubadka Iyo Sida Loo Fassiro

  1. Inuu kala saar-saarid badan yahay

Haddii ilmahaagu uu jecel yahay wax kala-soocidda, baadhista iyo sahaminta walxaha sida kala-saaridda waxyaabaha lagu ciyaaro, ama isku-dubaridkooda si waafaqsan midabka, cabbirka iyo qaabka, tani macnaheedu maaha in ilmahaagu uu yahay mid wax xumeeya oo burburiya alaabtiisa, isla mar ahaantaana aan wax qiimo ah ugu fadhinin.

Taa bedelkeeda waa ilmo soo jeeda, oo aad u feejigan, jecelna tafaasiisha iyo faahfaahinta, taasoo ina tusinaysaa in ilmahani uu hal-abuur ku yahay xisaabaadka iyo waxyaabaha la xidhiidha sayniska.

  1. Inuu hadal badan yahay

Waxaa dhacdo ah in ilmahaagu uu hadal badan yahay, kana sheekeeyo sheekooyin male-awaal ah oo aan wax run ah ku salaysnayn, isagoo sheekooyinkan uga sheekeeya asxaabtiisa iyo walaalihiisa, iskuna dayo inuu ka dhaadhiciyo.

Dabcan waxaa la odhan karaa ilmahani inuu yahay mid “beenaale” ah, laakiin hadii aan dhan kale ka eegto, waa ilmo leh shakhsi hogaamineed, hadal karna ah, awoodna u leh in uu dadka wax ka dhaadhiciyo.

Sidaa darteed ka waalid ahaan waa inaad ku dhiirigalisaa wax-akhriska, qoraalka, iyo ku dhawaaqidda ereyada si saxan, sidoo kale waxaa iyaduna lama huraan ah inaad ku baraarujiso inuu iska dhaafo beenaha uu ku lifaaqayo hadaladiisa, ayna tahayna inuu ka run sheego.

  1. Inuu sahamin badan yahay

Ilmahani waa ilmo doonaya inuu sahamiyo wax kasta oo ku xeeran, waxaana badanka aragnaa isaga oo taabanaya badhamada qaybisada (fiishta) iyo furayaasha isla mar ahaantaana uu ku celiyo sidii ay markii hore ahaayeen.

Waxayna tani natusinaysaa inuu ilmahani yahay mid hal-abuur leh, oo ku fiican wax curinta, iyo naqshadaynta.

  1. Inuu mas’uuliyad isa-saaro

Waxaa jira caruur mas’uuliyad isa saarta oo u heelan xalinta dhibaatooyinkooda, isla markaana leh fikrado iyo go’aamo adag, runtii hab-dhaqankan wuxuu muujinayaa in ilmahani ay u badan tahay inuu noqon doono hogaamiye bulsheed, ama marka ay ugu yar tahay inuu wax kala abaabuli karayyo.

Gabagabadii…

Kuwani waxay ahaayeen qaar ka mid ah hab-dhaqanada ubadka, oo ay waaliintu badankooda u fassirtaan si khaldan.

Waxaanna halkan ku baraarujinayaan (mar koowaad iyo mar labaadba) in la ogaado hab-dhaqanada ubadka, lana isku dayo in si qoto dheer leh loo fahmo, ayna tahayna in aan lagu degegin xukminta.

Si aan u ogaanno hab-dhaqanada ubadka, waa inaan su’aalo iska weydiino, maxay yihiin ujeeddooyinkooda? Waa maxay fariinta ay isku dayayaan inay muujiyaan, markaa ka dib waxaan ogaanaynaa tubta toosan ee loo-la dhaqmo.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Hab-dhaqanada Ubadka
DadBane March 28, 2023 February 28, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay1
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?