Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Waalidiin badan ayaa is weydiiya su’aashan, iyagoon waliba badankoodu jawaab u hayn Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa? Ama Muxuu Madaxiisa Darbiga Ugu Dhufanayaa?
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?
Caruurta

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

DadBane
Last updated: 2023/04/16 at 7:36 PM
By DadBane 3 Min Read
Share

Waalidiin badan ayaa is weydiiya su’aashan, iyagoon waliba badankoodu jawaab u hayn Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa? Ama Muxuu Madaxiisa Darbiga Ugu Dhufanayaa?

Ugu horrayn, hab-dhaqan kastaa oo uu ku dhaqmo ubadku waa hab ama qaab uu ku muujinayo dareemihiisa iyo waxa u gaark ah, sidaa darteed waxaa laga yaabaa inuu ilmahaagu niyad jabsan yahay marka uu is garaacayo, ama uu diidan yahay shay gaar ah, ama uu rabo in codsigiisa loo fuliyo, amaba waxaa dhici karta inuu isku dhiirigalinayo ama uu isku ciqaabayo sida (hadii uu sameeyay fal aan habboonayn, ama hadii uu illoobay dardaaran la-la dardaarmay, ama uu garan waayay cashir uu maantoo dhami ku cel-celinayay).

Laakiin se hadaanii caddayn sababta uu isku garaacayo, waxaa waalidiinta la gudboon inay fiiro gaar ah u yeeshaan ubadkooda, oo ay wakhti la qaataan ugu yaraan todobaad, oo ay qoraan fal kasta oo ka danbeeya is garaacistan.

Tusaale ahaan, falkan miyuu maalintii dhacaa wakhti gaar ah? Mise marka uu qabanayo hawl gaar ah? Mise marka uu la kulmo fal ama xaalad gaar ah? Mise marka uu joogo meel ama aag gaar ah? Mise marka uu horjoogo ama uu hortaagan yahay qof gaar ah?

Qorista su’aalahan jawaabahooda waxay gacan weyn ka geysan karaan in la ogaado sababta ka danbaysa hab-dhaqankan is garaacista ah, si ugu danbayntii loo xalliyo.

Qormadeenan maanta waxaynu ka jawaabaynaa su’aal ay waalidiin badani is weydiiyaan taasoo ah muxuu ilmahaygu isku garaacaa, waxaana halkan ah 3 sabab oo keenaysa in uu is garaaco.

  1. Muujin La’aan

Waxaa laga yaabaa ilmahaagu inuu dareemayo dareemo ka waa-weyn oo xad dhaaf ah, – sida xanaaqa, hinaasaha, cabsida, jahawareerka, ama xishoodkaba – laakiin aanu weli fahmin sidii uu u muujin lahaa una la tacaali lahaa dareemahan, waxaan xal u noqonaysa in uu is garaaco, sababtoo ah waa habka kaliya ee uu ku muujinayo dareemihiisa iyo waxa ka socda maskaxdiisan yar.

Waxaa kaloo laga yaabaa inay ka cadhoodaan naftooda sababtoo ah waxay awoodi waayeen inay muujiyaan dareemahooda, sababtan awgeedna xalku wuxuu noqday inay is garaacaan.

  1. Rabitaan Ah In La Dareemo

Carruurta yaryar waxay jecel yihiin inay dadka ku xeeran ka helaan dareen buuxa, waxayna wax kasta u samayn doonaan si ay u helaan dareenkaas.

Haddii aad dareen-celin weyn ka bixisay markii ugu horreysay ee uu is-garaacay, waxaa laga yaabaa inay ku soo celiyaan hab-dhaqankaas, si ay mar kale kaaga helaan fal-celin la mid ah tii hore.

  1. Xanuuno Jiro Awgeed

Haddii ilmahaagu qabo xanuunka dhegta ama xanuunka ilkaha oo ay u dheer tahay xanaaq, laakiin se aanuu si ku filan u sheegi karin, waxaa laga yaabaa inuu is-garaaco si uu u muujiyo inuu aad u xanaaqsan yahay.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Tilmaamayaal Tilmaamaya Garaadka Sare Ee Ilmaha

Calaamadaha is-garaacista, is-garaacista ubadka
DadBane April 16, 2023 April 10, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay2
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan Xishoodka Dhalinyarada

Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan? Xishoodka Dhalinyarada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?