Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan Xishoodka Dhalinyarada
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalinyarada > Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan? Xishoodka Dhalinyarada
Dhalinyarada

Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan? Xishoodka Dhalinyarada

DadBane
Last updated: 2023/03/02 at 7:35 PM
By DadBane 3 Min Read
Share

Xishoodku sidiisaba ma ahan sifo xun, Laakiin mararka qaar xishoodka dhalinyarada haysta waxaa keena kalsooni darrada, halka mararka qaar kalena uu xishoodku saameyn weyn ku yeesho awoodooda, kartida hadalkooda, ka qayb galka hawlaha qaar, iyo la kulanka saaxiibo cusub.

Xishoodka dhalinyarada waxay badanka ku keentaa inay ka baxaan oo ay ka fogaadaan dadka, kana fogaadaan dhacdooyinka bulsheed ee ikhtiyaariga ah.

Haddaba, hadii inankaagu/inantaadu uu xishoodku ka hor istaagayo samaynta waxyaabaha ay rabaan, waa inaad waalidoow ka hortagtaa oo aad ka bedeshaa hab-dhaqankaas, sababtoo ah xishoodku waxay noloshiisa ku yeelan kartaa saamayn taban iyo mid toganba, wayna ku adkaan kartaa inuu ku noolaado nolosha uu rabo.

Hababka barbaarinta ayaa si wax ku ool ah uga qaybqaata joogitaanka ama maqnaanshiyaha xishoodka. Tusaale, dhalinyaradii yaraantoodii lagu soo koray xishood badan iyo buunbuun, waxay u badan tahay inay la noolaan doonaan xishoodka wakhtiyo danbe, hadii aysan ku baraarugin mooyee. Hidde-sidayaasha ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaara soo bandhigida da’yarta qaar heerkooda ku aadan xishoodka.

Waayo-aragnimada nolosha iyo dabeecadaha qaar ayaa iyaguna door muhiim ah ka ciyaara. Dhalinta la kulanta waayo-aragnimo xun haday noqon lahay hadal xun, fal qallafsan, ama hab-dhaqan aan suubanayn, waxaa laga yaabaa inay u badan tahay inay noqdaan kuwo fur-furan oo ka fog xishoodka shucuureed. Halka dhalinta ku soo kortay dabacsanaan hufan, iyo kal-gaceyl xad dhaaf ah, ay u badan tahay inay aad ugu dhaw yihiin xishoodka.

Tilmaamaha Xishoodka Dhalinyarada

Dhallinta xishoodka badan waxay qabaan dhibaatooyin kala duwan, oo ay ugu horrayso, inaanii ku dhiiran karin la hadalka macalimiintooda, taasoo wax u dhimi waxqabadkiisa waxbarasho, halkii ay caawimaad ka waydiisan lahaayeen macalimiintooda marka ay fahmi waayaan su’aasha imtixaanka, waxa laga yaabaa inay iska aamusnaan oo ay ka shaqeeyaan inta karaankooda ah, Natiijo ahaanna, waxaa laga yaabaa inay helaan darajooyin ka hooseeya heerkooda tacliineed, iyadoo ay ugu wacan tahay xishoodkoodan faraha badan.

Muddo ka dib hadii ay sidaa ku socoto, waxa laga yaabaa in dhalinta qaar ay dareemaan awood la’aan iyo wax-qabasho la’aan. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inay rumaystaan ​​inaysan awood u lahayn inay horumariyaan noloshooda, mar walbana waxay ka fogaadaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Xishoodka dhalinyarada ayaa leh astaamo iyo tilmaamo gaar ah, oo ay ugu caansan yihiin:

  • Lab-labayn badan, ma yeelan karo fikrad cad oo qayyaxan.
  • Aad u xishood badan, gaar ahaan kulanka shisheeyaha iyo kulanka jinsiga ka soo horjeeda.
  • In badan ayuu ka fikiraa dhibaatooyinkiisa, wuxuuna u janjeeraa inuu sii balaadhiyo oo uu sii adkeeyo, isagoo is leh xal u keen.
  • In badan ayuu maskaxda rog-rogaa, wuxuuna suuraystaa ficillo male-awaal ah, heer ay fikirkiisu mararka qaar gaaraan dhalanteed cad.
  • Wuxuu u badan yahay inuu dhaleeceeyo nidaamka bulshada iyo kacaanka ka dhanka ah barbaarinta waalidka.

Ugu Danbayntii

Qofku waa inuu ku dadaalaa sidii uu uga gudbi lahaa xishoodkan dheeraadka ah, sidoo kale waalidiintu waa inay ubadkooda ku baraarujiyaan oo ay ka caawiyaan sidii uu uga bixi lahaa xishoodkan dheeraadka ah, iskuna dayaan inay wax ka badalaan. Loomana baahna in lagu qasbo dhallinta dagan ee aamusan in ay ku noolaadaan nolol buuq iyo qaylo leh.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

Calaamadaha dhalinyarada, Xishoodka Dhalinyarada
DadBane March 2, 2023 February 14, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay10
Iska Caadi1
Kamaan Helin0
Wuu liitaa1
3 Comments
  • Odey cali says:
    March 26, 2023 at 5:46 pm

    Xalkeeda mxa uguso dari weeseen

    Reply
  • cali ahmeth says:
    March 28, 2023 at 6:49 pm

    walaal waxaan u baahmay inaan arrin khaasa kuu sheego please walaal

    Reply
    • DadBane says:
      March 28, 2023 at 9:50 pm

      waxaad naga la soo xidhiidhi kartaa instagram-ka: @ubadkacom, ama email-keena: qormooyin@ubadka.com

      Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah,

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dhalinta khaldamta Sidee loola macaamilaa

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?