Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Inaad Hooyo Noqotid Maxay Ka Dhigan Tahay
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Hooyada > Inaad Hooyo Noqotid Maxay Ka Dhigan Tahay
Hooyada

Inaad Hooyo Noqotid Maxay Ka Dhigan Tahay

DadBane
Last updated: 2023/02/21 at 8:25 AM
By DadBane 3 Min Read
Share

Inaad hooyo noqotid ma ahan go’aan fudud, gaar ahaan wakhti xaadirkan, haddii aad go’aansato inaad noqoto “HOOYO” waa inaad ku dhiirataa inaad wax badan ka tanaasusho oo ay ugu horrayso, hurdadaada, yoolalkaaga gaarka, isticmaalka baraha bulshada ee faraha badan, qaab nololeedkaagii hore, iyo qaar kaloo badan.

Qaabka ay dunidu hadda u dhisan tahay waa qaab adag, iyadoo dumarka qaar, gaar ahaan kuwa garaadka badan u diidaysa inay noqdaan hooyooyin, isla mar ahaantaana ka dhaadhicinaysa in haweenayda kartida badani ay haysato fursado badan oo ay tahay inay ka faa’idaysato, wakhtigeeda qaaliga ahna aysan ku luminin ka bedelka xafaayada ilmaha yar,

Isku soo wada duub… Hadii aad rabto inaad noqoto “HOOYO”, xasuusnoow inay jiraan waxyaabo badan oo aynaan isku-wada haysan karin, sida inaad rabto inaad noqoto hooyo, isla mar ahaantaana aad ku noolaato qaab nololeedkaagii hore, waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay inaad ka tanaasusho ama ay tahay inaad dib u dhigato.

Haddii aad rabto inaad hooyo noqotid, wax dhib ah kuma jiro in aad waxbarashadaada dib u dhigto, in aad shaqadaadu si ku meel gaar ah u joojiso, iyo in aad bedesho qaab nololeedkaagii hore, maxaa yaalay waxaad kartidaada iyo xeeladaadaba iskugu gaynaysaa wax ka weyn arimahan.

Haddii aad go’aansato inaad hooyo noqotid, fadlan jooji ka qoomamaynta wixii tagay, maxaa yeelay qoomamayntaadu waxay isu bedeli kartaa ciil qarsoodi ah oo ku wajjahan dhalaankaaga, runtii, hooyooyinka qaar ayaa qoomameeya, iyagoo ku cel-celiya “hadii ay sidani dhici lahayn, waxaan ahaan lahaa sidan…” iyagoo raba inay farxad la’aantooda ku eedeeyaan qof kale, haba ugu horreeyo dhalaankeeda.

Mana habboona in dhalaanka loo jeediyo dhaleecayn, sababtoo ah waxay adduunkan joogaan iyagoon garanayn sababta ay u joogaan, goorta ay joogaan, sida ay u joogaan, iyo halka ay ka joogaan.

Ma Fududa Inaad Hooyo Noqotid

Waxaa laga yaabaa inaad wax badan lumin doonto haddii aad go’aansato inaad hooyo noqotid, taa bedelkeeda waxaa jira waxyaabo badan oo aad kasban doonto intaad ku guda jirto geedi socodka hooyonimada. Hooyanimadu waa safar waayo-aragnimado oo aad ku baran doonto dulqaadka, dareenka, iyo jaceylka, kaana dhigi doona (marka ay u yar tahay) qof wanaagsan.

Xilkan cusub ee aad qaadday wuxuu kaa dhigi doonaa qof adag, wuxuuna kugu riixi doonaa inaad ka tanaasushu ama aad yarayso (marka ay u yar tahay) caadooyinkaaga xun-xun, waxaadna noqon doontaa hooyo u taagan difaacidda diinteeda iyo qoyskeeda.

Dabcan marxalada dhalmada ka dib waxaad noqon doontaa “HOOYO” laakiin se taasi ma damaanad qaadi karto inaad noqoto hooyo fiican,

Sidaa darteed waxaa hooyooyinka la gudboon inay bartaan xirfado badan oo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhada qoyska, si ay uga miro-dhaliyaan yoolalkooda ku aadan qoyska.

Calaamadaha Hooyo, Inaad Hooyo Noqotid
DadBane February 21, 2023 February 21, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay7
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirita Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?