Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Raac Qodobadan Si Aad U Kobciso Garaadka Ilmahaaga... Korinta Garaadka Ubadka
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Raac Qodobadan Si Aad U Kobciso Garaadka Ilmahaaga… Korinta Garaadka Ubadka
Caruurta

Raac Qodobadan Si Aad U Kobciso Garaadka Ilmahaaga… Korinta Garaadka Ubadka

DadBane
Last updated: 2023/04/13 at 8:40 PM
By DadBane 4 Min Read
Share

Dhammaan waalidiintu ama intooda badani waxay rabaan inay rumaystaan riyada ah ​​​​in carruurtoodu ay yihiin kuwo garaad badan, oo soocan, saasooy tahayna waalidiinta qaar way u rumawdaa ruyoooyinkooda, halka qaar ka kalena aysan wali u rumoobin, si kastaba ha ahaatee, waxaad wali haysataa fursado badan, kuwasoo ka qayb qaadanaya korinta garaadka ilmahaaga, waxaana halkan ah 3 qodob oo kaalin weyn ku leh korinta garaadka ubadka:

  1. In La Raadiyo Habab Hal Abuur Leh Oo Kor Loogu Qaadayo Kartidooda Maskaxeed

U bandhigida ubadkaaga caqabado iyo waxqabadyo kala duwan waxay door muhiim ah ka ciyaartaa horumarinta kartidiisa, haddii se ubadkaagu ay jecel yihiin waxyaabaha la xidhiidha sayniska tusaale ahaan, booqashada madxafyada sayniska ee carruurta, taasoo door muhiim ah ka ciyaarta khibradiisa waayo-aragnimo.

Waxa kale oo aad siin kartaa ood u dhiibi kartaa agabyo kobcinaya garaadkiisa, iyo hal-abuurkiisa, sida in aad siiso ama aad u dhiibto kartoono, warqado, iyo xargaba, si ay u qiyaasto maskaxdoodu sida ay alaabtaas uga sameeyaan waxyaabo qaar.

  1. In Lagu Hareereeyo Dad Karti Iyo Hal-Abuur U Saaxiib Ah

Daraasaduhu waxay muujinayaan in korriinka xirfadaha ubadku ay si degdeg ah u koraan marka ay la falgalaan, wax ka bartaan, ama dareemaan dhiirigelinta kuwa kale, gaar ahaan haddii kuwaa ay leeyihiin awoodo ka dhan ah garaadka iyo karti maskaxeed oo isku mid ah.

Ubadkuna sidoodaba marka ay arkaan dadka ku xeeran inay ku hawlan yihiin samaynta wax-qabadyo, waxa ay caadiyyan noqdaan kuwo ku dhiirada in ay kor u qaadaan heerkooda wax-qabadeed, si ay ula tartamaan, kana hormaraan.

Qof kastaana keli ahaantiis way adag tahay inuu gaaro meel weyn, ama sidii la rabay, waalidiintuna waa inay dib u jaleecaan heerka garaadka ubadkooda, iskuna dayaan inay kor u qaadaan ilaa iyo inta ay awoodaan, iyagoo la kaashanaya la-taliye dibadeed oo dhiirigeliya ilmaha.

Loomana baahna in la-taliyahani uu ahaado khabiir weyn oo ku takhasusay goobo badan, si uu kor ugu qaado garaadka ubadka sida ugu wanagsan, balse cilmi baaris la sameeyaya ayaa lagu ogaaday in dadka ugu muhiimsan ee saameynta weyn ku yeesha caruurta ay u badan tahay inay yihiin asxaabtooda iyo facooda (dhiggooda).

  1. In La Dhiso Qiyam Qoyseed Oo Dhiirigelinaya

Qiyamka qoysku waxa uu aasaas adag u noqdaa nolosha ilmaha oo dhan, daraasaduhuna waxa ay tilmaamayaan in marka carruurtu ay dareemaan taageero, lahaanshiyo, iyo jacayl qoyseed, ay si fiican oo buuxda uga faa’idaysan karaan kartidooda maskaxeed iyo mida jidheedba.

Waana kuwan qaar ka mid ah qiyamkaas kuwaas oo gacan ka geysan doona korinta garaadka ubadka:

  • Ixtiraam: U muuji ixtiraam gooni u ah ilmaha, oo ixtiraam ra’yigooda, fikradahooda iyo riyooyinkoodaba. Hubi inaad wakhti wada qaadataan, una ogolow qof kasta oo qoyska ka mid ah inuu raacdo danihiisa.
  • Qiyamka Qoyska: Dabeecadaha wanaagsan ee waalidka sida dulqaadka, iyo dadaalka ayaa ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee ka qayb qaadanaya dhisidda qiyam qoyseed oo saxan.
  • Qiyamka Bulshada: Tani waa furaha kobcinta garaadka ilmaha iyo horumarinta shakhsiyadiisa. Ku dhiirigeli oo ku ammaan ilmahaaga marka ay ixtiraam u hayaan la macaamilka dadka kale, ka qayb qaataan shaqo kooxeedyada, nadiifiyaan alaabta ay ku ciyaaraan, oo ay qaadaan masuuliyadaha qaar.

Si kastaba ha ahaatee, maskaxda ku hay waalidoow in cadaadiska “xad-dhaafka” ah ee carruurta ay u keeni karto waxyeelo gudeed iyo mid dibadeedba, oo hadii inankaaga/inantaada aad u dirto qabashad hawl kasta oo guriga ka mid ah, adigoo is leh wax-qabadyadani wuxuu kordhinayaa oo uu kobcinayaa garaadkooda maskaxeed, markaa iyada ah waxaa suurtagal ah in gebi ahaanba ay burburto riyooyinkiisa iyo himilooyinkiisa, taasoo ka weyn waxa aad raadinayso, cadaadisyada xad-dhaafka ahina wuxuu yeelan karaa cawaaqib xumo.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Korinta Garaadka Ubadka
DadBane April 13, 2023 March 23, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay1
Iska Caadi1
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dhalinta khaldamta Sidee loola macaamilaa

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?