Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
“Madax-Adayga Ubadka” Waa Maxay Ma Dhaqan Dabiici Ah Baa Goorma se ayuu bilaabmaa
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > “Madax-adayga Ubadka” Waa Maxay? Ma Dhaqan Dabiici Ah Baa?
Caruurta

“Madax-adayga Ubadka” Waa Maxay? Ma Dhaqan Dabiici Ah Baa?

DadBane
Last updated: 2023/04/22 at 6:02 PM
By DadBane 3 Min Read
Share
Tusmada Qormada
Waa Maxay Madax-adaygu?Madax-adayga Ubadka Ma Hab-Dhaqan Dabiici Ah Baa?Goorma Ayuu Bilaabmaa Madax-adayga Ubadka?

Madax-adayga ubadka waa mawduuc si weyn ay u daneeyaan hooyooyinka gaar ahaan marka ay taagan tahay xalkeeda, hooyooyin badanna ayaa la ildaran madax-adayga ubadkooda, cabashada joogtada ah, iyo oohinta xad-dhaafka ah, waxaana laga yaabaa mararka qaar inaan aragno iyagoo si xun dhulka isku tuuraya, ama iyagoo madaxooda gidaarka (darbiga) ku dhufanaya ama ku garaacaya, iyo dhaqamo kaloo badan oo khaldan oo u baahan in la saxo oo ay badanku leeyihiin ubadka madaxa-adag.

Haddaba, waa maxay madax-adaygu?, ma dhaqan dabiici ah baa?, goorma ayuuse bilaabmaa madax-adayga ubadka?, jawaabaha su’aalahan waxaynu ka ogaan doonnaa qaybaheena xiga ee maqaalkan.

Waa Maxay Madax-adaygu?

Madax-adaygu waa hab-dhaqan caan ka dhex ah carruurta qaar, isagoo uu ilmuhu diidayo in uu sameeyo wax la faray (amray) ama uu ku adkaysanayo in uu sameeyo wax laga reebay.

Madax-adaygu sidiisaba waa “ka noqosho la’aan” xataa haddii ay adag tahay, waxaana laga yaabaa ilmuhu inuu hab-dhaqankan yeesho muddo gaaban ama marxalad gaar ah oo soo wajjahday, ama waxay noqon kartaa mid joogto ah oo ilaa waligeed jirta.

Madax-adayga Ubadka Ma Hab-Dhaqan Dabiici Ah Baa?

Madax-adaygu waa hab-dhaqan dabiici ah oo ay ubadku ku dhashaan, ilmo kastaana waxa uu leeyahay qaab u gaar ah oo uu ku cabiro rabitaankiisa iyo waxa uu damacsan yahay marka loo eego shakhsiyadiisa, waxaana laga yaabaa ilmuhu inuu hab-dhaqankan madax-adayga ah u adeegsado, si uu u gaaro danihiisa, mar allaalana marka uu ku guulaysto inuu hab-dhaqankan madax-adayga ah u adeegsado si uu u gaaro danihiisa iyo ujeedooyinkiisa, waa mar kaste uu sii madax-adkaado, maxaa yeelay wuxuu haystaa waddada ugu fudud ee uu ku gaari karo ujeedooyinkiisa.

Xaalado kale, waxaa laga yaabaa ilmuhu inuu ku dhaqmo hab-dhaqankan isagoo ku dayanaya dabeecadda dadka kale (ha yaraadaan ama ha waynaadaan), si uu u diido wax uusan rabin inuu sameeyo ama uu u gaaro wax uu rabo inuu helo.

Goorma Ayuu Bilaabmaa Madax-adayga Ubadka?

Madax-adayga ubadka wuxuu bilaabmaa xilliyada hore ee caruurnimada, taas oo ah da’da u dhaxaysa 18-24-ka bilood ee ugu horraysa, waxaana dhici karta in uu meesha ka baxo hab-dhaqankani muddo ka dib, amaba waxaa dhici karta in uu sii jiro oo uu noqodo mid ka mid ah shakhsiyadda qofka inta uu nool yahay, iyadoo loo eegayo deegaanka qoyska, deegaanka bulshada, iyo hidde-raacayaasha kala duwan ee ka qayb qaata sii socoshadeeda ama dabar-go’eeda si uun ama si kaleba.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Madax-adayga, Madax-Adayga Ubadka
DadBane April 22, 2023 March 25, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay7
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah,

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dhalinta khaldamta Sidee loola macaamilaa

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?