Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalaanka > Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka
Dhalaanka

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

DadBane
Last updated: 2023/03/29 at 10:47 AM
By DadBane 3 Min Read
Share
Tusmada Qormada
Goorma Ayaa Dhalaanka Loo Maydhayaa, Maydhigiisa Ugu Horreeya?Faa’iidooyinka Ay Leedahay Dib U Dhigista Maydhiga Hore Ee DhalaankaImisa Jeer Ayay Tahay In La Maydho Dhalaanka Maalintiiba, Todobaadkiiba, Ama Bishiiba?

Maydhiga hore ee dhalaanka ayaa laga yaabaa inay walaac iyo cabsi yar ku keento waalidiinta gaar ahaan kuwa ku cusub dhalmada.

Maydhiga hore ee dhalaanka waa waayo-aragnimo cusub oo ay waalidiintu korodhsadaan, saasooy tahayna wadata wel-welkeeda, maadaama uu ilmuhu (dhalaanku) aad u jilicsan yahay, lagana baqayo inuu hargab ku dhaco ama si kale ay u saameeyaan biyaha.

Goorma Ayaa Dhalaanka Loo Maydhayaa, Maydhigiisa Ugu Horreeya?

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, hay’adaha caalamiga ah ee ku takhasusay daryeelka caafimaadka carruurta waxay beddeleen wakhtiga ugu horreeya ee loo maydho dhalaanka. Halkii ay ka ahayd markii hore in dhalaanka la maydho saacad ama labo saac ka dib dhalmada, haatan qaar badan ayaa bedelay hab-raacaas.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waxa ay ku talisay in dib loo dhigo maydhiga (qubeyska) ugu horreeya ee dhalaanka ilaa 24 saacadood ka dib dhalmada, ama la sugo ugu yaraan 6 saacadood haddii maalin buuxda aanay suurtagal ahayn.

Faa’iidooyinka Ay Leedahay Dib U Dhigista Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

Waa kuwan qaar ka mid ah faa’iidooyinka ay leedahay dib u dhigista maydhiga (qubayska) hore ee dhalaanka:

  1. Ka Fogaanshaha Keenista Hargabka

Dhalaanka isla wakhtigii uu dhashaaba loo maydhaa waxa laga yaabaa inuu aad ugu dhow yahay inuu hargab qaado oo uu yeesho hypothermia marka loo eego dhalaanka kale ee loo maydho saacado ka dib dhalmadiisa.

  1. Ka Fogaanshaha Carqaladaynta Xidhiidhka

Maydhiga (qubeyska) hore ee dhalaanka waxay carqaladayn kartaa xidhiidhka u dhaxeeya dhalaanka iyo hooyada, iyadoo laga yaabo inay hakat galiso naasnuujinta hore.

  1. Ka Fogaanshaha Xanuunada Maqaarka

Vernix, oo ah walax cad, oo daboosha maqaarka ilmaha marka ay dhashaan, waana qoyaan dabiici ah oo ka soo hor-jeeda (lid ku ah) bakteeriyada.

Waxaana lagu taliyaa in qoyaankan dabiiciga ah lagu daayo maqaarka dhalaanka in muddo ah, si ay maqaarkooda jilicsan uga hor-tagaan in uu qallalo oo uu la kulmo bakteeriyada.

Tanina waxay si gaar ah muhiim ugu tahay wiilasha, sababtoo ah maqaarkooda ayaa aad uga nugul caabuqa markii loo eego gabdhaha.

Imisa Jeer Ayay Tahay In La Maydho Dhalaanka Maalintiiba, Todobaadkiiba, Ama Bishiiba?

Dhalaanka sida caadiga ah uma baahna in la maydho maalin kastaa, maadaama ay dhif u yihiin dhididka ama wasakhda.

Sida badanka lagu taliyo, saddex maydhi (qubeys) todobaadkii ilaa iyo inta uu ku jiro sanadka koowaad, maxaa yeelay maydhashada badani waxay qallajin kartaa maqaarka jidhkiisa.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Dhicitaanka Dhalaanka – Maxaa Dhaca Marka Uu Ilmuhu Dhaco?

Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

Calaamadaha Maydhiga Hore Ee Dhalaanka
DadBane March 29, 2023 March 1, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay8
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
1 Comment
  • Evaliin Ibrahim says:
    April 4, 2023 at 12:30 am

    Waan la dhacaay talooyin wacan

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah,

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirita Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?