Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Tilmaamayaal Tilmaamaya Garaadka Sare Ee Ilmaha
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Tilmaamayaal Tilmaamaya Garaadka Sare Ee Ilmaha
Caruurta

Tilmaamayaal Tilmaamaya Garaadka Sare Ee Ilmaha

DadBane
Last updated: 2023/04/16 at 9:11 AM
By DadBane 2 Min Read
Share

Waxaa jira astaamo iyo tilmaamo muujinaya garaadka sare ee ilmaha, kana soocaya asaagiisa (dhiggiisa, ama ficciisa), oo ay ka mid yihiin daalacashada faraha badan, iyo rabitaanka inuu wax walba ogaado.

Si kastaba ha ahaatee, buundooyinka sare ee uu ilmuhu keeno imtixaanka iyo qaababka uu ilmuhu u ciyaaro ma ahan calaamado ama tilmaamo muujinaysa in ilmahani uu run ahaantii leeyahay garaad heer sare ah.

Iyadoo aanay jirin hal qaacido oo lagu aqoonsado laguna qiimeeyo ilmaha garaadka sare leh, hadana cilmi-baarayaasha ka hadla arimaha tarbiyada iyo barbaarinta ayaa sheegay in ay jiraan tilmaamo muujin “KARTA” kartida garaadka sare ee ilmaha.

Halkan Waxaa Ah Dhowr Tilmaame Oo Muujinaya Heerka Garaadka Sare Ee Ilmaha:

  • Awoodda wax-akhriska hore (da’ahaan).
  • Barashada iyo fahamka waxyaalaha ku xeeran si degdeg ah.
  • U fiirsashada qotoda dheer leh.
  • U janjeeridda su’aalaha uu wax ku ogaanayo.
  • Rabitaanka faraha badan ee ku aadan inuu wax fahamo.
  • Awoodda uu ku kaydinayo, kuna xifdinayo xogaha kala duwan.
  • Xil isa-saaridda.
  • Helitaanka waddooyin kale, kuwaas oo bedel ka ah waddooyinkii caadiga ahaa, si uu ugu xalliyo dhibaatooyinkiisa
  • In arimaha uu ka eego dhankii la filayay ma’ahee dhan kale.
  • In dhibaatooyinka qaar uu u arko xal, ama uu ka dhex arko xal.
  • Lahaanshaha xirfadaha qaar, sida hal-abuurka, isku-dubaridka, isku-tiirsanaanta, dhamaystirka hawlaha, iyo is gaarsiinta madax-bannaani inta uu awoodo.

Tilmaamaha garaadka sare ee ilmuhu waxaa iyaduna ka mid ah “xasuusta wanaagsan”, xasuusta wanaagsan ayaa muhiim u ah caruurta, si ay u bartaan, una kaydiyaan xogaha cusub, haday tahay mida dugsiga, iyo haday tahayba tan guriga iyo qoyska.

Sidoo kale markii dhan kale laga eego, carruurta leh xusuusta aadka u wanaagsan waxay aad ugu fiican yihiin been-abuurka iyo male-awaalka ku salaysan dhalanteedka.

Lama huraan ma ahan in ay wax walba ku fiicnaadaan, Garaadka sare ee ilmuhu macneheedu maaha in ilmahani uu wax walba ku fiicnaan karo ama ugu yaraan sidii la rabay uu noqon karo, balse waxaa loola jeedaa in ilmahani uu yaqaano meelaha uu ku fiican yahay, isla mar ahaantaana uu awoodiisa saaro, badankoodana waxay gaar yeelaan oo ay galaan hiwaayad gaar ah, halkii ay ka geli lahaayeen goob walba.

Sidoo kale garaadka sare ee ilmuhu macneheedu ma aha inuu ku fiicnaado dugsiga ama wax-barashada guud ahaan, sababtoo ah waxay intooda badan diiradda saaraan hiwaayadooda oo kaliya.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Garaadka, Garaadka Sare Ee Ilmaha
DadBane April 16, 2023 March 26, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay6
Iska Caadi1
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Cuntooyinka Khatarta Ku Ah Nolosha Dhalaankaaaga - Ubadka

Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dhalinta khaldamta Sidee loola macaamilaa

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?