Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Sidee Loola Tacaalaa Ubadka Had Iyo Jeer Ooya?
Caruurta

Sidee Loola Tacaalaa Ubadka Had Iyo Jeer Ooya?

DadBane
Last updated: 2023/02/14 at 9:18 AM
By DadBane 4 Min Read
Share

Oohintu waa dhawaqa ugu horreeya ee uu ku dhawaaqo ilmuhu, taas oo uu ku muujinayo jiritaankiisa wakhtiga dhalashada, waana hab isgaarsiineed oo muhiim ah, gaar ahaan xilliga caruurnimada hore.

Hab-dhaqanka oohintu waa hab wax ku ool ah, oo uu ilmuhu ku muujinayo baahiyihiisa jidheed, sida rabitaanka cunto, biyo iyo diirimaad, sidoo kalena uu ku muujinayo dareenkiisa gudaha ah, sida xanaaqa, xanuunka, niyad-jabka, iyo murugada.

Hab-dhaqanka oohintu waxaa loo arkaa inuu yahay mid aan la aqbali karin, marka uu ilmuhu u noqdo dariiqa kaliya ee uu ku helo waxa uu rabo.

Ubadka Ooya, had iyo jeer marka ay yar yihiin waxay sii wadaan barashada jawaabo iyo dhaqamo badan oo ka caawinaya inay ku gaadhaan rabitaankooda iyo codsiyadooda.

Sababta Ka Danbaysa Had Iyo Jeer Inay Ooyaan Ubadku?

Ubadka Ooya badanka waxa sabab u ah tabar darida iyo dulqaadka yarida waalidka, oo ka hor imanaysa rabitaankiisa. Waxaana laga yaabaa in tabar darida iyo dulqaadka yarida waalidka ay ugu wacan tahay, in ilmahani uu yahay ilmaha kaliya ee u dhashay qoyska, ama uu yahay ilmaha keliya ee lab ah, ama uu yahay ilmihii ugu dambeeya ee la dhalay, ama la dhalay muddo dheer ka dib, ama uu soo maray cudurro badan iyo dhibaatooyin caafimaadeed, ka hor inta uusan gaarin heerkan.

Ilmaha had iyo jeer ooyaya, ee ku dhaqma hab-dhaqanka noocaas ah, waxay u badan tahay inuu ku soo koray korriin jilicsan oo dabacsan, oo ku keenaysa inuu noqdo mid daneenaya kaliya rabitaankiisa. Sidaas darteed waa muhiim in ubadka la baraa diidmada iyo ad-adaygnimada, si uu u noqdo ilmo toosan.

Cabdi waa wiil yaroo shan jir ah, laakiin wali wuxuu u dhaqmaa sidii inuu yahay labo jir, wuxuuna la ooyaa sababaha ugu yar, waxaana taas ugu wacan in aanuu garanayn qaab aan oohinta ahayn ee uu wax ku waydiisto, ama uu ku diido, waxayna oohintu u tahay habka kaliya ee uu kula xidhiidho dadka, haday noqon lahayd dalbasho iyo diidmo. Wuxuuna xaqiiqsaday in oohintu ay tahay qaab wax badan lagu gaadho, ama lagu helo. Cabdi markasta oo uu u bogo waxa suuqa yaala sida kubad, biibiilo (buufin) iwm, wuu ooyaa si uu u helo waxa uu u bogay, sidaa si la mid ah, markasta oo loo diido ama laga yareeyo daawshada TV-ga ama telefoonada casriga ah, wuu ooyaa si aan loogu diidin ama aan looga xaddidin, Cabdi mar alla markuu ooyo, waalidkiisa waxay ka tanaasulaan gabi ahaanba waxay ay u diidanaayeen, sidaasina cabdi wuxuu hadafkiisa ku xaqiijiyaa oohintiisa.

Waa Sheeko yar oo male awaal ah oo aan uga go-gol lahaa inaan ku soo dhaweeyo fikradaada ku aadan oohinta ubadka

Gabagabadii

Waa in aan marka hore la soconaa sida xaalku yahay, si aan u ogaano sababaha keenaya oohinta. Waa in aan hubinno in aysan jirin sababo dabiici ah oo ku reexaya ama ku kaxeenaya ilmahan oohinta, sida cudurka iwm.

Haddii sababaha uu u ooyayo ay tahay in ilmuhu uu rabo inuu helo dareenka, daryeelka iyo jacaylka waalidka, Waalidiintu waa inay garwaaqsadaan arrintan oo ay siiyaan jacaylka iyo daryeelka ay u baahan yihiin, waana inay ilmaha fahamsiiyaan oo ay u muujiyaan inay jecel yihiin oo ay daryeelaan. Ilmuhuna waa inuu bartaa in oohintu aanay ahayn habka saxda ah ee lagula xidhiidho dadka kale.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Calaamadaha Ilmaha Ooya
DadBane February 14, 2023 February 4, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay1
Iska Caadi1
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan Xishoodka Dhalinyarada

Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan? Xishoodka Dhalinyarada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?