Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirita Xilliga Qaan-Gaarnimada
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalinyarada > Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada
Dhalinyarada

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

DadBane
Last updated: 2023/04/03 at 7:02 PM
By DadBane 2 Min Read
Share
Tusmada Qormada
Dabeecadaha Qaar Ee Ay Leeyihiin Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-GaarnimadaWaa Maxay Sababta Ay Waalidiintu Ugu Adag Tahay Inay La Macaamilaan Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada?

Barbaarinta ubadku waa masuuliyad u baahan waalidiintu inay diiradda saaraan marxalad kasta oo uu marayo ubadka, Gaar ahaan dhalinta ku jirta xilliga qaan-gaarnimada, iyagoo u baahan qof gacanta qabta oo caawiya.

Waalidiintu waa inay ka taxadaraan oo ay ogaadaan sida ay ula dhaqmi lahaayeen dhalinta ku jirta xilliga qaan-gaarnimada,si mustaqbalka loo dhiso qof dheeli tiran jir ahaan iyo maskax ahaanba, lagana fogaado aafooyinka qalafsanaanta iyo hab-fikirada khaldan.

La macaamilka da’yarta waxay u baahan tahay dulqaad, karti iyo faham heersare ah, haddaba maxaad ka qabataa xaaladaha qaar ee keena cadhada joogtada ah?

Waxaa hubaal ah in haddii waalidiintu ay si khaldan ula dhaqmaan dhalinta ku jirta xilliga qaan-gaarnimada, ay dhalan karto cawaaqib xumo. Waxayna noqon kartaa mid ka mid ah sababaha ka qaybqaata sii xumaynta dhibaatooyinka halkii ay xallin lahaayeen.

Dabeecadaha Qaar Ee Ay Leeyihiin Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

Hoos waxa ku xusan qaar ka mid ah tusaalooyinka noocyada hab-dhaqanka ee ay waalidiintu ka walaacsan yihiin:

  • Wiilkaygu ama gabadhaydu isagoo ama iyadoo xanaaqsan ayuu guriga ka baxay, misna si xoog leh ayuu albaabka u dhuftay isagoo walibana leh, “Ma awoodid inaad iga hor joogsato inaan arko asxaabtayda.
  • Wiilkaygu ama gabadhaydu talo kaste aan siiyo way iska indha tiraan, iyaga oo naftooda ku qanacsan.
  • Wiilkaygu ama gabadhaydu waxay guriga ku soo noqdaan iyagoo xidhan maryo layaab leh.
  • Wiilkaygu ama gabadhaydu waxay maalintii oo dhan seexdaan guriga, iyagoo dayacay waajibkoodii diineed iyo mid koodii dunyeed.
  • Wiilkaygu ama gabadhaydu waxay soo noqdaan goor dambe oo habeen ah, haddii aad sababta waydiisana, way cabanayaan waxayna ku doodayaan inaysan guriga ka helin wax xiiso leh oo ay qabtaan.
  • Wiilkaygu ama gabadhaydu waxay dhaleeceeyaan qaabka aan u fikirno, u hadalno, u labisano, iyo asxaabta aannu leenahay.
  • Wiilkaygu ama gabadhaydu waxay diidaan inay sii wadaan wada hadalka waxayna isku dayaan inay sameeyaan isku day kasta oo ay ku soo afjaraan wada-hadalkaas iyagoo muujinaya cadho.

Dabeecadahan hore ee aan xusnay, waxay u taagan yihiin tusaalayaasha ugu caansan ee la yaqaan isla mar ahaantaana la filayo in ay qoysasku badankoodu la kulmaan maalin kasta marka ay la macaamilayaan dhalinyarada, badankooduna aysan awoodin inay wax ka qabtaan.

Waa Maxay Sababta Ay Waalidiintu Ugu Adag Tahay Inay La Macaamilaan Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada?

Dhibaatooyinka ay waalidiintu iyo barayaashuba (macalimiinta) ka cawdaan ma aha kuwo gebi ahaanba sabab u ah khaladaadka ku dhaca hab-dhaqanka dhalinta, ee waxaa ugu wacan arrimo iyo xaalado dibadeed oo ay ugu muhiimsan yihiin 2-dan:

  1. Isbeddellada degdega ah ee jidheed.
  2. Isbeddellada xiriirka bulshada iyo asxaabta, iyada oo ay hoos u dhacayso doorkii ay waalidiintu ku lahaayeen dhalinta.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan? Xishoodka Dhalinyarada

Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

Calaamadaha dhalinta, Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada
DadBane April 3, 2023 March 7, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay1
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah,

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?