Cuntadu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa korriinka ubadka, maadaama ay jidhka siiso tamarta uu u baahan yahay si uu u guto hawlihiisa, haday noqon lahayd mid gudeed iyo dibadeedba, mid jidheed iyo mid maskaxeedba. Waxa kale oo ay cuntadu door muhiim ah ka ciyaartaa hagaajinta iyo dib u dhiska unugyada burburay, samaynta unugyo cusub iyo koriinka difaaca jidhka ee cudurada qaar.
Marka laga soo tago, muhiimadda cuntada ay ku leedahay korriinka ubadka, waxay sidoo kale door muhiim ah ku leedahay, wax-qabadkiisa shaqo, iyo wax soo saarkiisa. Saasooy tahay hooyadu marka ay ilmaheeda u soo diyaariso cuntada, waxay mararka qaar kala kulantaa diidmo, waxayna is waydiisaa iyadoo yaaban “Muxuu ilmahaygu u diidaa cuntada?”.
Waxay noqon kartaa xilli aad u niyad-jab badan, maraka ay hooyadu madbakha (jikada) ku jirto saacado badan, si ay cunto ugu diyaariso ilmaheeda, ugu danbayntiina ay la kulanto fal aysan ka filayn oo ah, inuu ka diido cuntada.
Laakin ka hor inta aanad ku dhiirigelin ilamahaaga in uu cuntada cuno ama aanad ku laaluusho macmacaan iwm, si uu u cuno, aan marka hore ogaanno su’aasha ay hooyooyin badani is-waydiiyaan taasoo ah: Muxuu ilmahaygu u diidaa cuntada? Iyo sababta ka danbaysa diidmadaa.
- Koriinka
Carruurtu waxay u koraan si degdeg ah iyagoo laban-laabmaya miisaankooda dhalashada, laga bilaabo afar bilood ilaa lix bilood, Kadibna way saddex jibbaarmaan marka ay gaaraan dhalashadooda koowaad. Laakiin dhab ahaantii xaqiiqado sidaa ma aha, badanka ubadkeenu waxay miisaankooda afar laab-maan marka ay gaadhaan dhalashadooda labaad. Taas oo macnaheedu yahay hoos u dhac weyn inuu ku yimid heerka koriinkooda.
Sababtaas awgeedna, waxaa hoosaynaya baahidooda nafaqeed, sidoo kalena waxaana hoos u dhacaya rabitaankooda ku aadan cuntada.
- Xanuunka
Tusaale ahaan, Haddii ilmahaagu ay u soo baxayaan ilkihii, waxa uu dareemi doonaa dareen u dhaw dareenka xanuunka oo kale, taasoo xakamaynaysa rabitaankiisa ku aadan cunista cuntada, sidaa si la mid ah, hadii uu jilibka u dhaco, ama uu dhaawacmo, waxay saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelan kartaa rabitaankiisa cuntada iyo hab-qaadashada cuntadiisa.
- Dhadhanka
Dhalaanka iyo caruurta yaryar waxay leeyihiin burooyin dhadhan macaan. Waana waxa ka caawiya inay raadiyaan oo ay calaf u helaan caanaha naaska marka ay dhashaan. Cilmi baaris ayaa muujisay in 70% carruurta aan gaarin dugsiga ay u nugul yihiin xeryahooda qadhaadh ee laga helo miraha iyo khudaarta, gaar ahaan khudaarta cagaaran, waana sababta inta badan keenta diidmada cuntada.
Ugu Danbayntii
Gabagabada maqaalka iyo ka jawaabista su’aashii ahayd Muxuu ilmahaygu u diidaa cuntada? Waxaa jira tilmaamo fudud iyo talo guud oo ay tahay inay raacaan hooyooyinku, iyagoo looga baahan yahay in cunista cuntada ilmahooda ay u qoondeeyaan wakhti, iyo in ay cuntada dheeraadka ah ka ilaaliyaan, marka ay soo dhawaato wakhtigii cuntada. Sidoo kale waa in aan aad loogu khasbin cuntada, maxaa yeelay tani waxay ka sii dhigaysaa mid madax-adag.
Laakiin se hadii uu waalidku cabsi ka qabo cunto la’aanta ubadkiisa, iyagoo ku jiro caafimaad wanaagsan iyo dhaqdhaqaaq dabiici ah, waxaa habboon inay yareeyaan cabsida dheeraadka ah ee aan loo baahnayn.
Sideedaba cuntada caafimaadka qabtaa waa cunto kaga filan ilmihii tiro ahaan iyo tayo ahaanba, taas oo macnaheedu yahay in la isku dheelitiro ilmihii iyo cuntada uu cunayo.