Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Dhalinta khaldamta Sidee loola macaamilaa
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalinyarada > Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa
Dhalinyarada

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

DadBane
Last updated: 2023/04/03 at 11:36 AM
By DadBane 5 Min Read
Share

Dhalinta khaldamta sidee loola macaamilaa?, Dabcan dhaqan xumadu sideedaba maaha mid dhamaanaysa, laga bilaabo marka uu ilmahaagu joojiyo isticmaalka xafaayadda ilaa marka uu dhameeyo dugsiga dhexe, ilaa iyo….. Dhab ahaantii, marxaladda dhalinyarnimadu waxay noqon karaan mid ka mid ah marxaladaha ugu adag ee barbaarinta, taas oo ay waalidiintu kala kulmaan caqabadaha noloshooda ugu adag.

Dhalinta khaldamta waxay leeyihiin tilmaamao iyo hab-dhaqano khaldan sida: Weji-gabaxanimada, muranka, iska-hor’imaadka, iyo caasinimada, hab-dhaqannadan ayaa ah hab-dhaqanada ugu waa-weyn ee ay dhalinyaradu ku dhaqmaan.

Marka ay dhalinyaradu u muuqdaan inay yihiin kuwo madax-bannaan, waxaa weli ka maqan qaan-gaarnimada shucuureed, ee ay ku gaari lahaayeen go’aanno la tixgeliyo, maxaa yeelay si buuxda uma dhisna qaybta maamusha go’aan samaynta ee maskaxdooda, waxayna mararka qaar taasi u horseedi kartaa dabeecado iyo hab-dhaqano halis u ah, sida sigaar cabista, iwm.

Ka waalid ahaan, waxaynu rabnaa in ubadkeenu ay sameeyaan waxyaabaha wanaagsan, laakiin barbaarinta ama edbinta dhalinyaradu maaha mid fudud. Marka ay rabaan inay kula hadlaan, maaha inaad ka yara jeed-jeedsato, ood dhayalsato, sidii aad samayn jirtay markii ay yaraayeen. Barbaarinta suuban ee waxtarka leh waxay u baahan tahay edbin adag iyo in la adeegsado xeelado badan.

Xusuusnow, hadafka edbintu waa in aad gacanta ku dhigto gabi ahaanba ubadkaaga – adoon aad u xakameynin. Waxaanna halkan ah 3 talo oo waxtar leh oo aad ku wanaajinayso dabeecadda iyo hab-dhaqanka ubadkaaga, kuwaas oo qeexi doona su’aashaadii ahayd: dhalinta khaldamta sidee loola macaamilaa?

  1. Deji Xeerar Cad

Dhalinyaradu waxay u janjeeraan inay tijaabiyaan xeerarka iyo xuduudaha si ay u arkaan fal-celinta waalidkooda. Waa muhiim in la dejiyo xeerar cad, iyo in la daba dhigo cawaaqib xumo hadii la jabiyo xeerarkaas.

Tusaale ahaan, hadii inankaagu/inantaadu ay ka dib dhacaan wakhtigii lagu heshiiyay inay soo hoy-daan, ciqaabtooda waxay noqon kartaa inay guriga joogaan todobaadka soo socda.

Waxaad la kulmi doontaa iska caabin yar, haddii aad u ogolaato ubadkaaga inay doortaan ciqaabta lafteeda. Laakin ha iloobin in aad adigu wali leedahay go’aanka kama dambaysta ah.

  1. Ka Dhig Mid Qoran

Si aysan u dhicin ismaandhaaf, samee liis rasmi ah oo ay ku xusan yihiin xeerarka ugu muhiimsan ee guriga, kuna dhaji qaboojiyaha (tallaagada) ama meel kale oo dhexe oo aanay ubadku iska indho tiri karin.

Liisku waa inay ku xusan tahay xeerar cad sida: “Waa inaad timaadaa guriga 8:00 habeenimo maalmaha shaqada iyo 10:00 habeenimo maalinta jimcaha, gurigana aan laga bixin iyadoo aan la dhamayn shaqadii guriga”, sidoo kale waa in liiska lagu xusaa cawaaqibta ka dhalanaysa hadii la jabiyo xeerarka sida: “Haddii aad jebiso mid ka mid ah xeerarkan, waxaad waayi doontaa internetka muddo hal maalin ah ama wax ka badan ama ciqaabta aad u aragto inay ku habboon tahay”. Haddii ay ubadkaagu jabiyaanna mid ka mid ah xeerarkan, waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso ayaa ah inaad ku dhaqanto waxa liiska ku xusan.

  1. Ilaali Fulinteeda

Dhalinta ku jirta marxaladda qaan-gaarnimada waxay leeyihiin karti xirfadeed oo ay ku ogaan karaan daciifnimada waalidkooda.

Markaad dabciso xeer ciqaabeedkii aad dajisay ama aad ka tanaasushaba adigoo is leh u tur ama u fududee, waxay mar walba oo ay si xun u dhaqmaan ama ay jabiyaan xeerkii yaalay ay filayaan inay heli doonaan isla jawaabtaas, taasoo marar ka qaar keenaysa inay ku dhiiradaan samaynta falalka khaldan, sababtoo ah waxay garanayaan falcelinta waalidkooda.

Haddii mid ka mid ah waalidku uu had iyo jeer yiraahdo “haa” kan kalena uu had iyo jeer yiraahdo “maya,” ilmahaagu wuxuu ogaan doonaa sida saxda ee uu wax kuu weydiinayo marka xigta.

Marka aad tahay waalid ad-adag, ha ilaawin inaad noqoto qof cadaalad leh sidoo kalena aad fahamto waxyaabaha kugu xeeran. Dareenada yar-yar ee shucuureed ayaa saamayn togan iyo mid tabanba ku yeesha dhalinyarada, siina xoojisa xidhiidhada.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan? Xishoodka Dhalinyarada

Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

Calaamadaha Dhalinta Khaldamta, Khaladka
DadBane April 3, 2023 March 7, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay2
Iska Caadi1
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?