Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalinyarada > Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?
Dhalinyarada

Waa Maxay Marxaladaha Dhalinyarnimada, Iyo Qeexiddeeda?

DadBane
Last updated: 2023/02/15 at 11:28 AM
By DadBane 2 Min Read
Share
Tusmada Qormada
Waa Maxay DhalinyarnimaduMarxaladaha DhalinyarnimadaDhalinyarnimada Hore (10 Ilaa 13 Sano)Dhalinyarnimada Dhexe (14 Ilaa 17 Sano)Dhalinyarnimada Dambe (18 Ilaa 21 Sano Iyo Wixii Ka Dambeeya)

Marxaladaha dhalinyarnimada waa marxalad uu ilmuhu ka guurayo carruurnimo una guurayo qaan-gaarnimo, iyadoo ay si aayar aayar ah u baabi’i doonaan dhaqamadii caruurnimada.

Marxaladaha dhalinyarnimada marka uu qofku ku jiro waxa kor u kaca koritaankiisu heer aan hore loo arag, waxana kor u kaca xajmiga xubnaha jidhkiisa iyo dhererka addimada jidhkiisa, si ay u noqdaan kuwo awood badan leh oo firfircoon, oo ay u noqdaan kuwo awood u leh wax soo saarka.

In kastooy isbeddelladani ay ku kala duwan yihiin dhalinyarada, hadana marka loo fiirsado isbeddelladaas iyo fahamka macnahooda waxaa yaraynaysaa dhibaatooyinka la filan karo, khatartoodana waa ay yaraynaysaa.

Aad bay muhiim u tahay in dhalinyaradu ay ogaadaan isbeddellada jidhkooda ku dhaca, iyo inta ay le’eg tahay farqiga u dhexeeya iyaga iyo dhallinta kale.

Waa Maxay Dhalinyarnimadu

Dhalinyarnimadu waa xilli uu qofku ka gudbayo marxalada caruurnimada una gudbayo marxalada qaangaarnimada, isla mar ahaantaana uu la kulmayo isbadalo jireed, mid dhaqan, mid garasho, mid shucuureed iyo mid bulsheed.

Badanka marxaladaha dhalinyarnimada waxa ay ka bilaabmataa qiyaastii da’da 10-aad waxayna ku dhamaataa qiyaastii da’da 21-aad.

Waxaa wax dabiici ah, in dhalinyaradu ay iswaydiiyaan su’aalo ku saabsan isbedelada ku dhaca, iskuna dayaan inay fahmaan isbedeladan, Jawaabaha ay heli doonaanna waxay caawin doontaa qeexida aqoonsigiisa.

Waxaa jira saddex marxaladood oo asaasi ah oo uu maro qofka dhalinyarada ahi:

  1. Dhalinyarnimada hore (10 ilaa 13 sano)
  2. Dhalinyarnimada dhexe (14 ilaa 17 sano)
  3. Dhalinyarnimada dambe (18 ilaa 21 sano iyo wixii ka dambeeya)

Marxaladaha Dhalinyarnimada

Sidaan horay u soo sheegnayba, marxaladaha dhalinyarnimada waxay u qaybsantaa saddex marxaladood oo u dhaxaysa 10-21 sano, marka ay timaaddo da’da ahaan, cilmi-baarayaasha intooda badani waxay isku raaceen in marxalad kastaa ay socoto muddo gaadhaysa 3-4 sano. Inta lagu jiro marxalad kastaana waxaa bilaabmaya isbedelo ku aadan jidhka qofka, garaadkiisa, dareenkiisa, iyo bulshada uu ku dhex noolyahay.

Dhalinyarnimada Hore (10 Ilaa 13 Sano)

  • Korriinka jidhka: Marxaladdan, waxay carruurtu isu diyaariyaan qaan-gaarnimada. Waxaana ku dhaca isbeddello jireed.
  • Korrinka garaadka: Waa marxalad ay caruurtu diiradda saaraan kaliya wakhti xaadirka, kamana fikkiraan mustaqbalka fog iyo cidhib-xumada danbe ee ay yeelan karaan arimuhu.
  • Kobaca bulsheed: Iyadoo inta badan is dhexgalka bulsheed ay ka bilaabmato qoyska iyo asxaabta dhow, hadana guud ahaan, carruurtu waxay bilaabaan inay ballaariyaan isdhexgalka bulsheed, oo ay la saaxiibaan lana dhaqmaan asaagooda.

Dhalinyarnimada Dhexe (14 Ilaa 17 Sano)

  • Korriinka jidhka: Marxaladdan, xawaaraha ee ku imanaya korriinka jidhka waxaa weheliya ad-adeega codka. Waxayna inamadu inta badan bilaabaan inay diiradda saaraan jimicsiga iyo daryeelka jirkooda, halka dheddiggana ay sidoo kale ka warqabaan muuqaalka jidhkooda.
  • Korrinka garaadka: Marxaladan, guud ahaan waxaa kobca awoodda fikirkooda iyo xalita dhibaatooyinka ad-adag markoodii ugu horeysay. Waxayna sidoo kale noqdaan kuwo aad u diyaar ah oo awood u leh inay ka fikiraan mustaqbalka iyo waxa uu u hayo iyaga.
  • Kobaca bulsheed: Marxaladdan, inta badan waxay xoogga saaraan sidii ay u heli lahaa yeen saaxiibo badan oo ay ku kalsoonaan karaan. Sidoo kale, inta ay ku jiraan marxaladan waxay ku fekeraan inay samaystaan xiriiro jacayl markoodii ugu horraysay.

Dhalinyarnimada Dambe (18 Ilaa 21 Sano Iyo Wixii Ka Dambeeya)

  • Korriinka jidhka: Inta badan korriinkooda jireed ayaa ku dhamaada isla marxaladan, waxayna noqdaan kuwo inta badan aad u daneeya jirdhiska iyo ilaalinta muuqaalka jireed, si ay u yeeshaan muuqaal soo jiidasho leh.
  • Korrinka garaadka: Marxaladdan, waxay inta badan awoodaan inay arkaan “suuraysasho fog” waxayna horumariyaan fahamkooda ku aadan doorashada ficilada ay u sameen lahaayeen mustaqbalkooda fog. Waxayna inta badan bilaabaan inay horumariyaan garaadkooda.
  • Kobaca bulsheed: Marxaladan waxay bilaabaan inay yeeshaan kalsooni dheeraad ah, goobahooda bulsheedna waxay inta badan bilaabaan inay sii ballaariyaan oo ay u fekeraan si caqliyaysan.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

Maxay Dhalinyarada Qaar U Xishoodaan? Xishoodka Dhalinyarada

Calaamadaha dhalinyarada, Marxaladaha dhalinyarnimada
DadBane February 15, 2023 February 14, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay1
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?