Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Garaacista Ubadka Ma Hab Wax Toosisaa, Mise Wax Bay Dumisaa
Caruurta

Garaacista Ubadka Ma Hab Wax Toosisaa, Mise Wax Bay Dumisaa

DadBane
Last updated: 2023/02/07 at 7:50 AM
By DadBane 4 Min Read
Share

Garaacista ubadka waa mawduuc si weyn looga hadlo. Khubarada ka hadla arimaha ubadka intooda badani waxay ku taliyaan in laga soo horjeedsado ciqaabaatka jidheed, laakiin waalidiinta qaar waxay aaminsan yihiin garaacista ubadka inay tahay xeelad edbin oo waxtar leh, halka waalidiinta qaar kalena ay qirtaan inay garaaci jireen ubadkooda mar-mar, gaar ahaan marka ay dareemayaan daal iyo diiqad badan, si kastooy tahayba, dhammaan waalidiinta waxay u baahan yihiin inay ogaadaan cawaaqib xumada ka dhalan karta ciqaabta jidheed, oo ay si dhow uga fiirsadaan.

Waxaa jira habab badan oo ka mid ah barbaarinta ubadka, oo ay ka mid yihiin: diidmada, garaacista, aamusnaanta, doodda, canaanta, qaylada, iyo qaar kale, waxaana laga yaabaa in habka ugu adeegsiga badan ay tahay garaacista, iyadoo loo arko in ay tahay habka ugu wax tarka badan, laakiin hadii aad dhan kale ka eegto, habkani wuxuu leeyahay cawaaqib xun, shareecadeenuna ka may dhigin mid iska furan, ee way xaddiday, si ay u ilaaliso xuquuqda naf kastaa oo bini-aadam ah.

Waa Maxay Sababta Waalidiinta Ku Keenaysa Garaacista Ubadka

Mararka qaar, waalidiintu waxay ubadkooda u garaacaan quus darteed. Marka uu ilmuhu si xun u dhaqmo ama uu sameeyo fal xun si isdaba joog ah, waalidiinta waxaa laga yaabaa markaa inay dareemaan niyad-jab iyo samir la’aan, badankoodana ma garanayaan waxay sameeyaan, waxaana laga yaabaa inay is-yidhaahdaan, “Waxay u muuqataa in aanay jirin waddo kale, oo aan ka ahayn garaacista”.

Haddii aan la helin istaraatiijiyad edbin ah oo waxtar leh oo habboon, waxaad dareemi in garaacistu ay tahay doorashada ugu fiican. Inkastoo garaacista ubadka ay bedeli karto dabeecadda ilmaha muddo gaaban, marka laga yimaado marar dhif ah mooyee in saameyn togan ay ku yeelato mustaqbalkiisa fog, Hadana daraasaduhu waxay muujinayaan in garaacistu aanay waxtar badan u lahayn ubadka, oo ay ku keeni karto waxyeello saameenaya korriinkooda.

Waalidiintuna waxaa laga yaabaa inay ku tiirsanaadaan garaacista, si ay u xalliyaan ama ay u hagaajiyaan dabeecadda ubadkooda, iyaga oo aan isku dayin xeelado kale oo edbin ah, ama aanay siinin doorashooyin kale oo bedel ka ah khaladaaka ay sameeyeen.

Mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keena garaacista ubadka, waa cadhada ama dareen la’aanta. Waalidku waxa laga yaabaa in uu ka niyad jabo hab-dhaqanka ubadkiisa oo uu yidhaahdo “Ma rumaysan karo waxan inaad samaysay!” waxaana laga yaabaa inay garaacaan ubadkooda iyagoon ka fikirin.

Haddii aadan aqoon siyaabo kale oo aad u edbiso ubadkaaga, garaacistu waxay noqon kartaa habka koowaad ee aad wax ku edbinayso, waxayna noqon kartaa xal ku meel gaar ah, laakiin garaacistu xalin mayso dhibaatada ama ma baranayso ubadkaaga inuu si wanaagsan u dhaqmo.

Waalidiin badan ayaa ka qoomameeyay garaacista ubadkooda. Iyadoo ay dhaawac badan u geysatay xidhiidhka labadooda ka dhexeeya.

Gabagabadii

Garaacistu waa lama huraan, marka ay taagan tahay barbaarinta ubadka, laakiin se waa inaysan u horseedin dhaawac maskaxeed iyo mid jireedba.

Saas oo ay tahayna, garaacistu ma aha habka ugu wanaagsan ee lagu edbiyo ubadka, sabatoo ah waxay ubadka ku keeni kartaa saamayn nafsiga ah wakhti gaaban iyo mid dheerba.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Garaacista Ubadka
DadBane February 7, 2023 February 7, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay2
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dhalinta khaldamta Sidee loola macaamilaa

Dhalinta Khaldamta Sidee Loola Macaamilaa

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?