Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah,
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Dhalaanka > 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka
Dhalaanka

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

DadBane
Last updated: 2023/04/17 at 8:29 PM
By DadBane 4 Min Read
Share

Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah, laakiin waxaa dhacda xaalado badan in aan garan wayno sababta uu la oynayo, waana dhibaato soo wajjahda waalidiinta qaar, waxaana waalidiinta mararka qaar ku dhacda in ay dawakhaan isla mar ahaantaana ay xanaaqaan, dhibaatada halkan taagan ayaa ah garasho la’aanta sababta ka danbaysa oohinta dhalaanka.

Ka hooyo ahaan dhalaankaagu gabi ahaanba adiga ayuu kugu tiirsan yahay; haday ahaan lahayd cuntada, diirimaadka iyo raaxada uu u baahan yahay. Sidaa darteed marka uu oynayo dhalaankaagu wuxuu kuu muujinayaa baahiyihiisa, isagoo kaa dalbanaya dareenkaaga iyo daryeelkaagaba, ileen oohintu waa habka kaliye ee aad ku wada xidhiidhi kartiin, maadaama uusan hadli karin.

Isku soo wada duub, waxaa mararka qaarkood kugu adkaan doonta inaad go’aamiso baahiyaha uu dhalaankaagu rabo, maxaa yeelay baahi kasta uu rabo wuxuu ku muujinayaa “oohin” taasoo mararka qaar keenaysa inaad kala saari kari weydo waxa uu sida saxda ah u rabo, hasa yeeshee wakhti ka dib marka uu koro, waxa uu baran doonaa habab kale oo uu kugu la xidhiidho, sida indho ka hadalka, qaylada, iyo dhoolacadaynta.

Halkan waxaa ah dhawr sababood oo keenta “oohinta dhalaanka” ama in dhalaanku uu ooyo

  1. Wuxuu La Oynayaa Gaajo Darteed

Gaajadu waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keenta oohinta dhalaanka, gaar ahaan haddii uu yahay ilmo dhawaan dhashay. Mar kaste oo uu ilmuhu yar yahay da’ahaan, waa mar kaste ay suurtagal tahay in uu oohin badto, sababtoo ah wuu gaajaysan yahay.

Caloosha dhalaankaagu waa ay yar tahay, mana qaadi karto quut (cunto ama cabitaan) badan; taasoo keenaysa wakhti yar ka dib inuu hadana dareemo gaajo.

  1. Wuxuu La Oynayaa Calool-Xanuun Darteed

Haddii dhalaankaagu uu aad u ooyo, laakiin se uu caafimaad qabo, waxaa laga yaabaa inuu dareemayo calool-xanuun. Waxana laga yaabaa in dhalaankaagu aanu nasanayn oo uu niyad jabsan yahay, isla mar ahaantaana uu diidayo inaad dajjiso, waxaana laga yaabaa in uu feedh qabsado, ama uu jilbaha laabta u keeno.

Halkan sababta saxda ah ee uu la oynayo aad uma cadda, khubarada qaarna ayaa sheega ama u maleeya in ay tahay heer koriimeed oo iska caadi ah.

Halka khubarada qaar ay qabaan in oohinta dhalaanka ay la xidhiidho dhibaatooyin ka dhan ah caloosha. Sida xasaasiyadda, gaaska, calool-istaagga, iwm.

  1. Wuxuu La Oynayaa Koolkoolin La’aan Darteed

Dhalaankaagu waxa uu u baahan yahay laab-qabasho badan, iyo taabasho jidheed. Sidaa darteed oohintiisu waxay la macno noqon kartaa inuu doonayo in la qaado, lana luliyo, loona heeso, lana siiyo koolkoolin badan, isagoo u heelan inuu helo diirimaadka iyo udgoonka jidhkaaga.

  1. Wuxuu La Oynayaa Kulayl Ama Qabow Badan Darteed

Marxaladan waxaad hubin kartaa in dhalaankaagu uu aad u kulul yahay ama uu aad u qabow yahay, adiga oo taabanaya calooshiisa ama madaxiisa ama qoorta qaybteeda danbe. Ha na ka qiyaas qaadan heerkulka gacmihiisa ama cagihiisa jidhka intiisa kale; waayo waa wax iska caadi ah inay ka qabow badtaan jidhka intiisa kale.

Kuna ilaali heerkulka qolka dhalaankaaga inta u dhaxaysa 16°C ilaa 20°C, adeegsona “heerkulbeega” si aad ula socoto heerkulka qolka.

  1. Wuxuu La Oynayaa Xafaayada Oon Laga Bedelin Darteed

Waxaa laga yaabaa in dhalaankaagu uu ka cawdo xafaayadda oo qoyan ama wasakhaysan darteed, se carruurta ama dhalaanka qaar ma diidaan tan ilaa ay dareemaan cuncun mooyee.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Dhicitaanka Dhalaanka – Maxaa Dhaca Marka Uu Ilmuhu Dhaco?

Talooyin Ku Aadan Maydhiga Hore Ee Dhalaanka

Cuntooyinka Dabiiciga Ah Ee Khatar Gelin Kara Nolosha Dhalaankaaga

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

Calaamadaha Ilmaha Ooya, Oohinta Dhalaanka
DadBane April 17, 2023 April 17, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay3
Iska Caadi2
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirita Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?