Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Sideen U Barbaarin Karaa Ubadkayga, Aniga Oo Aan Garaacin
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Sideen U Barbaarin Karaa Ubadkayga, Aniga Oo Aan Garaacin
Caruurta

Sideen U Barbaarin Karaa Ubadkayga, Aniga Oo Aan Garaacin

DadBane
Last updated: 2023/02/18 at 6:16 AM
By DadBane 3 Min Read
Share

Waalidiin badan ayaa laga yaabaa inay is weydiiyaan su’aal ah “sideen u barbaarin karaa ubadkayga, aniga oo aan garaacin ama aan gacanta ka hadalin” taas oo ah waxa aan kaga hadlayno qormadeenan.

Awoowayaashii hore waxay ubadkooda ku barbaarin jireen habab kala duwan, qaarkood waxay ku tiirsanaayeen gacan ka hadalka ama garaacista, si ay u tarbiyadeeyaan. Halka wakhti xaadirkan, waalidiin badan ay ku faana barbaarinta ubadkooda, iyagoo ka madax banaan ama ka fog ciqaabaatka jidheed, taas oo ka duwan qaabkii ay awoowayaashood u soo koriyeen waagii hore.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira waalidiin badan oo ubadkooda garaaca, iyagoo iska dhaadhicinaya ama is mood-siinaya inay ubadkooda si fiican u barbaarinayaan.

Laakiin se barbaarinta saxda ah waa ta isku dheelitiraysa labada arrimood, waxaana halkan ah talooyin bedel ka ah garaacista ubadka:

  1. In la kala saaro garaacista, iyo ciqaabta

Ciqaabtu waa hab barbaarineed, ujeedkeeduna waa in lagu edbiyo ilmaha, si aanuu mar labaad ugu noqonin khaladaadkii hore ee uu sameeyay, halka garaacistu lagu tilmaamo in ay tahay ama ay u dhawdahay aargoosi, taasina waa wax ka fog barbaarinta suuban.

Waalidiin badan ayaan kala soocin garaacista, iyo ciqaabta, ilaa xadka ay ubadkoodu ku korinayaan hab aan ahayn habkii saxda ahaa, taas oo gacan ka geysanaysa xoojinta fikradda khaldan ee ilmaha.

Sidaa darteed, waalidiintu waa inay ogaadaan farqiga u dhexeeya garaacista, iyo ciqaabta.

  1. In la isku dheelitiro hadalka kiisa dabacsan iyo kiisa qallafsan

Waalidiintu waa in ay isku dheelitiraan hadalka kiisa jilicsan iyo kiisa adag, waxaana mararaka qaar lagu taliyaa in loo badto dhanka adag, sidii ay awoowayaashood yeeli jireen, iyada oo aan la illoobayn dhinaca debecsanaanta hadalka iyo qancinta, si uu ilmuhu u koro isagoo baranaya hadalka kiisa dabacsan iyo kiisa qallafsan, oo uu dadka ula dhaqmo si caqli leh oo dheeli tiran.

  1. In la raadiyo xeelad kale oo ka soo horjeeda garaacista

Garaacistu waa mid ka mid ah hababka ugu saamaynta weyn ee ka taga cawaaqib xumo. Hadday ahaan lahayd dhinaca jireed ama mida nafsiyeed, haddii ay dhaafto xadkii loogu talagalay.

Waxaana laga yaabaa inay u horseeddo burburinta maskaxda ilmaha, taasoo saamaynaysa mustaqbalkiisa fog iyo tan dhawba.

Sidaa darteed waalidiintu waa inay raadiyaan habaka ugu wax tarka badan ee ku habboon edbinta ubadkooda, iyo ciqaabaadka kale ee badali kara booska garaacista, haday noqon lahayd aamusnaan, canaan, iyo xadidaad ama xannibaadba.

Guntii iyo Gabagabadii

Waxaan rajaynayaa inaa soo koobay jawaabta su’aashii ahayd “sideen u barbaarin karaa ubadkayga, aniga oo aan garaacin” waxaana waalidiinta la gudboon inay raadiyaan xalal bedel ka ah garaacista ubadka, isla mar ahaantaana ay isku dheelitiraan.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Barbaarinta Ubadka, Garaacista Ubadka
DadBane February 18, 2023 February 18, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay3
Iska Caadi3
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Mararka qaar ka waalid ahaan wayna dhibtaa oohinta uu ooyo dhalaanka, waxaana isku daynaa inaan aamusino inta karaankeena ah,

5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?