Inta badan waxa laga yaabaa inaan aragno khaladaadka ay sameeyaan ubadku, oo laga yaabo mararka qaar inay sameeyaan falal aynaan ka fileyn samayntooda, oo aannu u aragno inay yihiin ilmo yar oo aan garanayn waxa uu sheegayo iyo waxa uu qabanayo, waxaana laga yaabaa xaalku inuu gaadho heer ay ubadku ku caasiyaan waalidiintooda, oo ay sameeyaan falal keensanaya ciqaabta.
Halkan, waalidiintu waxay isku arki karaan inay la kulmeen dhibaato aan sahlanayn, sababtoo ah ma garanayaan waxa ay ka yeeli lahaayeen arrimahan oo kale, iyo sida ay ula dhaqmi lahaayeen ubadkooda marka ay khaldamaan, ma ciqaab ayuu mutaystay?, mise khaladkuu galay ayaa ah mid aan ciqaab mudnayn?, se haddii uu ciqaab mutaystay waa maxay qaabka saxda ah ee loo ciqaabi karo ilmahan?.
Waalidiinta qaar waxay adeegsadaan habab kakan oo ay ubadkooda ku ciqaabaan, oo ay ugu horrayso garaacis iyo canaan, taasoo ilmaha u horseedi karta in uu si maskaxiyyan ah u kakanaado.
Ciqaabta la ciqaabo ubadka marka ay khaldamaan, waa xirfad ay tahay waalidiintu inay bartaan, si ay u bartaan habka saxda ah ee ay ula dhaqmi lahaayeen ubadkooda marka ay khalad sameeyaan.
Sababtoo ah waxaa jira habab u kordhin kara ilmahan inuu khaladaadkii marar kale ku dhaco, sidoo kale waxaa jira habab kale oo dawo u ah ilmahan, si uusan mar kale ugu noqon khaladaadkii uu sameeyay, waana tan laga rabo waalidku inuu raadiyo.
Marka ay caruurtu khaladamaan waa in ay ciqaabtooda noqotaa mid saxan, si aanay dib ugu noqonin khaladkaas, ciqaabtaasina hadii ay suurtagalayso waa inay ka fogaato mid jidheed, taasoo keeni karta natiijooyin gebi ahaanba iska soo horjeeda, aadna hesho wixii aad filaysay wax ka soo horjeeda, oo ahayd inuusan mar labaad ku noqonin khaladkii, aadna aragto isgoo ku noqday,
Hababka Ugu Wax Tarka Badan Ee Lagu Ciqaabi Karo Ubadka Marka Ay Khaldamaan
Waa in in muddo ah laga joojiyo ama laga xannibo waxyaabaha qaar ee ay jecel yihiin, sida: ciyaarta, ama bixidda, iwm, iyada oo aan laga bad-badinayn, oo hadii ay dhacdo in aad wax ka xannibto ama aad ka joojiso, waa in aanay ka badan saddex maalmood tusaale ahaan, si aanay natiijadu u noqonin mid ka soo horjeeda wixii la filayay.
Mararka qaar waxaa dhici karta in aysan wax faa’iido ah ku jirin ciqaabta jireed, taasoo waalidiinta ku keeneysa in ay raadiyaan habab kaloo wax tar leh oo ay ku ciqaabaan ubadkooda marka ay khaldamaan, waxaana ka mid ah aamusnaanta, ilmuhu marka uu khalad sameeyo, oo uu arkona inuu khaladkiisa ku mutaystay aamusnaan, markaa waxaa imanaysa inuu ka fogaado khaladkii uu sameeyay, kaliyana uu ka fikiro sidii ay ula hadli lahaayeen waalidiintiisu.
Haddaba, hadii uu waalidku doono inuu ciqaabo ubadkiisa, khalad uu sameeyay darteed, waxaa habboon oo lama-huraan ah in la ciqaabo isla wakhtigii uu khaladku dhacay, ama wakhtiga uu ogaado waalidku, mana ahan in dib loo dhigo ciqaabta, ee waa in la fulyaa isla wakhtigii uu dhacay, ama la ogaaday, taasoo dareen siinaysa ubadka in ay ku khaldanaayeen waxa ay sameeyeen, tahayna in aanii dib ugu noqonin.
Gabagabadii
Waxaa jira waxyaabo ay tahay in waalidku uu tixgaliyo ka hor inta uusan ciqaabin ubadkiisa, ama xitaa ka hor inta aysan ubadku sameynin khalad kastaa oo keensanaya ciqaab, taasoo ah in ilmaha la hago, laguna hago wax kasta oo sax ah si joogto ah oo joogto ah, lana baro waxa khladan iyo waxa saxan, si toos ah iyo si dadbanba.