Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Ma is-weydiisaa su’aashan ah, "Sideen ilmahayga uga dhigaa kuwo maqla hadalkayga ama erayadayda?". Carruurtaadu miyay ku maqlaan marka ugu...
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
Caruurta

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

DadBane
Last updated: 2023/04/20 at 6:43 AM
By DadBane 2 Min Read
Share

Ma is-weydiisaa su’aashan ah, “Sideen ilmahayga uga dhigaa kuwo maqla hadalkayga ama erayadayda?”. Carruurtaadu miyay ku maqlaan marka ugu horeysa ee aad wax ka codsato? Haddaysan jawaabtaadu “HAA” ahayn, sii wado akhriska maqaalkan si aad uga bogato xaaladaha qaar ee ay caruurtaadu ku maqli karaan. Caruurtaadu si dhab ah ayay ku dhegaysan doonaan marka ay idin dhex taalo ixtiraam iyo xushmad.

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Halkan waxaa ah affar tilmaamood oo ku saabsan sidii aad caruurtaada uga dhigi lahayd kuwo ku maqla, misna ku ixtiraama:

  1. Ixtiraam Carruurtaada

Carruurtu waxay wax ka bartaan ficilada iyo hab-dhaqanada waalidiintooda, waxayna u badan tahay inay ku daydaan oo ay qaataan hab-dhaqankooda.

Markaad ixtiraam u muujiso carruurtaada, waxay iyaguna sidoo kale kuu muujin doonaan ixtiraam. Loomana baahna halkan in caruurta la gaarsiiyo awood ka saraysa awooda waalidka, ee waa in aan la yaraysan, hoosna loo dhigin, lana liidin, ama aad loo dhaleecayn. Hase yeeshe, waa in la dhagaysto ra’yigooda, la ixtiraamo iyo in laga doodo arimaha qaar.

  1. Tusaale U Noqo

Carruurta badankoodu waxay iska eegaan waalidiintooda inay ogaadeen iyo in kale. Waxayna nuugaan oo ay qaataan wax kasta oo ay arkaan. Haddaba, waalidiintu waa inay ubadkooda u noqdaan kuwo ku dayasho mudan, waana inay muujiyaan oo ay raacaan hab-dhaqanada ay jeclaan lahaayeen inay carruurtooda ku arkaan, aad bayna u fududaan doontaa carruurtaadu inay ku maqlaan markay arkaan inaad samaynayso waxaad tidhaahdoba.

  1. Ixtiraam Lamaanahaaga

Haddii aad rabto in ilmahaagu uu ku maqlo oo uu ku ixtiraamo, isla mar ahaantaana aad rabto inuu ku daydo dhaqamadaada, ixtiraam u muuji lamaanahaaga (xaaskaaga), taasoo ku dhiirigalinaysa caruurta inay ku ixtiraamaan oo ay maqlaan hadalkaaga.

  1. La Sheekayso Ilmahaaga

Mid ka mid ah jawaabaha ugu wanaagsan ee su’aasha ah “Sideen ilmahayga uga dhigaa kuwo maqla hadalkayga?” waa inaad la shaykaysato ilmahaaga, tusaale ahaan, u sheeg oo kala shaykayso maalmahaagii dugsiga, hiwaayadahaaga, riyadaada iyo himilooyinkaaga. Markaa iyada ah ilmahaagu aad buu kuugu fur-furnaan doonaa, wuuna maqli doonaa hadaladaada.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Tilmaamayaal Tilmaamaya Garaadka Sare Ee Ilmaha

Calaamadaha Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
DadBane April 20, 2023 April 17, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay3
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Hurdada ilmaha laga bilaabo dhalaanka ilaa dhalinyarada waa ay ku kala duwan yihiin, iyadoo loo eegayo da’diisa, arrimo dibadeed, iyo kala duwanaanshiyo shakhtis ahaaneed.

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?