Qormooyinka Ubadka
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Qormooyinka UbadkaQormooyinka Ubadka
Aa
Search
  • Dhalaanka
  • Caruurta
  • Dhalinyarada
Follow US
Ubadka © 2023
Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco
Qormooyinka Ubadka > Qormooyin > Caruurta > Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco?
Caruurta

Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco?

DadBane
Last updated: 2023/04/12 at 11:19 PM
By DadBane 3 Min Read
Share

Ka waalid ahaan, Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco?, “xusuusnoow” in sida aad uga fal-celinayso garaacista ay ku garaacayaan caruurtaadu ay saameyn doonto sida ay suurtogal u tahay in ilmahaagu mar kale uu ku garaaco.

Had iyo jeer carruurta yaryar waxay u nugul yihiin inay si fudud u niyad jabaan, waana kuwan qaar ka mid ah xeeladaha edbinta ee aad isticmaali karto si aad naftaada iyo carruurta uga ilaaliso wax-yeelada qaar, markaad caruurtaada barayso hababka wanaagsan ee ay ku maareenayaan dareenkooda oo ay u maareeyaan siyaabo caafimaad qabta, oo la aqbali karo:

  1. Deji Xeerar Adag

Samee oo daji xeerar ku aadan ixtiraamka iyo ilaalinta qoyska iyo xuquuqda dadka kale.

Una caddee ilmaha ​​in garaaca, laadadka, qaniinyada, ama xadgudubyada jidheed in sinaba ay tahay dhaqan aan la aqbali karin, oo aan laga ogolayn guriga iyo meelaha kaleba.

Una deji xeerarkaaga si wanaagsan, oo maldahan, oo halkii aad ka odhan lahayd “ha i garaacin,” waxaad tidhaahdaa “garaaciddu way i dhibaysaa, ee mar kale samayn.”

Kala hadal ilmahaaga xeerarka aad dajisay, si aad u hubiso in ilmahaagu uu fahmay cawaaqibta ka dhalan karata hadii uu jabiso xeerarkaas, adigoo qeexaya ciqaabta uu la kulmayo marka uu ku xadgudbo xeerarkii dajisnaa.

  1. ku Xisaabtam Wixii Ka Dhasha Cawaaqibta

Haddi ilmahaagu uu yaqaano xeerarka aad dejisay, balse hadana uu wali wado garaacista, isticmaal qaar ka mid ah xeeladahan soo socda, si aad u damaanad qaado inuusan mar kale si caafimaad qabta kuu garaacin.

  • Xaddidaada Waxyaabaha Uu Daneeyo: Carruurta qaar ayaa laga yaabaa inay u baahdaan cawaaqibyo dheeraad ah, oo ay ka mid yihiin uguna muhiim san yihiin xaddidaada waxyaabaha ay jecelyihiin ama ay daneeyaan, waxayna noqon kartaa istiraatiijiyad edbineed oo wax ku ool ah. Tusaale ahaan, waxaad xaddidi kartaa gelitaanka iyo isticmaalka ilmahaaga aaladaha elektaroonigga ah sida mobilada, loptop-yada, Tv-ga, ama aaladaha lagu ciyaaro qaarkood, adigoo muddaynaya wakhtiga xaddidaada, kuna xidhaya da’da uu jiro.
  • Magdhaw: Garaacista uu ku garaacay waxaad ciqaab uga dhigi kartaa in ilmahaagu uu sameeyo hawlo ama hawl dheeraad ah, oo ka baxsan gabi ahaanba hawlihii laga rabay.
  • Abaalmarin: Xoojinta dabeecadaha wanaagsan ee dhamaadkiina leh abaalmarin, waxay ilmahaaga ku dhiirigelin kartaa inuu joojiyo dharbaaxada, iyo garaacistaba. Tusaale ahaan, ku abaalmari ilmahaaga “taabashada dabacsan” kuna amaan, isla mar ahaantaana ku dhiirigali inuu markasta ku dhaqmo hab-dhaqanada wanaagsan, sidoo kale amaan marka ay ku dhagaystaan oo ay joojiyaan garaacista.
  • Bar Ilmahaaga Hab-dhaqanada Wanaagsan: Caruurta kuma filna kaliya in si fudud loogu sheego, ama lagu dhaho “Ha i garaacin” ee waa in la baraa xirfadaha maaraynta cadhada, taas oo beddel u ah garaacista, isagoo ku muujinaya sida uu dareemayo.
  • Bar Ilmahaaga Dareemada: Sida murugada, niyadjabka, xishoodka iyo caajiska. Kana la hadal muhiimada ay leedahay in dareemada loola tacaalo siyaabaha ku haboon, kana caawi ilmahaaga inuu ogaado xeeladaha ka caawinaya inuu si badbaado leh ula qabsado dareemihiisa.
  1. ka Fogow Ciqaabta Jidheed

Haddi aad mararka qaar “garaacidda” u isticmaasho ciqaab ahaan xitaa haddii ay xadidan tahay, ilmahaagu waxa uu ku jahawareeri doonaa sababta aad u ogolaatay inuu ku garaaco, halka marka kalena aadan u ogolaan, garaacistu marka dhan kale laga eego waxay kordhin kartaa qalafsanaanta iyo kakanaanta ilmaha.

Ubadku waxay wax badan oo ka mid ah hab-dhaqanada waxay ka bartaan oo ay ka arkaan waalidkooda ama barbaariyahooda, in ka badan waxa loo sheego ama lagu la taliyo, sidaa darteed dabeecadaha aad rabto inaad ku aragto ilmahaaga ama aad jeclaan lahayd inuu yeesho, waxay ka dhalan kartaa hab-dhaqanadaada.

Tusi oo ku hag ilmahaaga sida loola tacaalo cadhada, murugada, iyo niyad-jabka siyaabo bulsho ahaan ku habboon, marnabana haka lexe-jecloon la hadalkiisa iyo doodihiisa, si aad u fahamto sida uu dareemayo.

Mar kale waalidoow aan ku weydiiyo su’aashan, Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco?, qaybta faalada inoogu raab, hadii aad jawaab u hayso, jeclaan lahaynaa inaan ogaano arktiyada kala duwan ee ay leeyihiin waalidiintu.

Laga Yaabo Inaad Danayso

Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan

Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga

Muxuu Ilmahaygu Isku Garaacayaa?

Calaamadaha Garaacista Ubadka
DadBane April 12, 2023 March 22, 2023
Qormadan La Wadaag Dadka
Facebook Twitter Email Copy Link Print
Falcelinta Akhristaha
Ka Helay2
Iska Caadi0
Kamaan Helin0
Wuu liitaa0
Faallo Ka Bixi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qormooyinkii Ugu Danbeeyay

  • Hurdada Ilmaha Laga Bilaabo Dhalaanka Ilaa Dhalinyarada… Imisa Saacadood Ayaa Ku Filan
  • Sideed Ilmahaaga U Bari Kartaa Fikradda Ah Wax-Wadaagidda
  • Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha
  • Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga
  • 5 Sababood Oo Keenta Oohinta Dhalaanka

Mawduucyada

Barbaarinta Ubadka cuntooyinka Cuntooyinka Khatarta Ah Dhalaanka dhalinta Dhalinta-Ku-Jirita-Xilliga-Qaan-Gaarnimada Dhalinta Khaldamta dhalinyarada Dhicitaanka Dhalaanka Fikradda Ah Wax-Wadaagidda Garaacista Ubadka Garaadka Garaadka Sare Ee Ilmaha Hab-dhaqanada Ubadka Hooyo Hurdada Hurdada Ilmaha Ilmaha Ooya Inaad Hooyo Noqotid is-garaacista is-garaacista ubadka Kalsoonida Kalsoonida Ilmaha Khaladka Korinta Garaadka Ubadka Madax-adayga Madax-Adayga Ubadka Marxaladaha dhalinyarnimada Maydhiga Hore Ee Dhalaanka Oohinta Dhalaanka Sideen Ilmahayga Uga Dhigaa Kuwo Maqla Hadalkayga Ubadka Marka Ay Khaldamaan Xishoodka Dhalinyarada

Find Us on Socials

- Advertisement -
Rukumo Mareegteena

Rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh ugu hesho qormooyinkii ugu dambeeyay!

Ugu Caansan

Muxuu Ilmahaygu U Diidaa Cuntada?

By DadBane
Kalsoonida ilmaha oo la dhiso, misna kor loo qaado waa arin runtii lama huraan ah, oo ay tahay waalidiintu inay ka caawiyaan ubadkooda sidii ay is kugu kalsoonaan lahaayeen, misna ula tacaali lahaayeen dareemahooda, iyadoo kalsoonidu saamayn weyn ku yeelan karto dhisidda caafimaadkooda maskaxeed.
Caruurta

Sida Kor Loogu Qaado Kalsoonida Ilmaha

By DadBane 10 Min Read
Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirita Xilliga Qaan-Gaarnimada

Dabeecadaha Iyo Tilmaamaha Dhalinta Ku Jirta Xilliga Qaan-Gaarnimada

By DadBane
- Xayaysiin -
Ad imageAd image
Qormooyinka Ubadka

Waa madal aqooneed oo diiradda saarta  koriinka ubadka, barbaarinta suuban, dhisidda wacyiga, iyo xidhiidhka qoyska.

Nagu Saabsan

  • About Us!
  • Contact Us!
  • Privacy Policy for Ubadka
  • Terms and Conditions

Rukumo

Isdiiwaangali oo rukumo adigoo adeegsanaya iimaylkaaga, si aad si dhakhso leh u hesho maqaalladii ugu dambeeyay!

Ubadka © 2023

Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?