Waxaa jira astaamo iyo tilmaamo muujinaya garaadka sare ee ilmaha, kana soocaya asaagiisa (dhiggiisa, ama ficciisa), oo ay ka mid yihiin daalacashada faraha badan, iyo rabitaanka inuu wax walba ogaado.
Si kastaba ha ahaatee, buundooyinka sare ee uu ilmuhu keeno imtixaanka iyo qaababka uu ilmuhu u ciyaaro ma ahan calaamado ama tilmaamo muujinaysa in ilmahani uu run ahaantii leeyahay garaad heer sare ah.
Iyadoo aanay jirin hal qaacido oo lagu aqoonsado laguna qiimeeyo ilmaha garaadka sare leh, hadana cilmi-baarayaasha ka hadla arimaha tarbiyada iyo barbaarinta ayaa sheegay in ay jiraan tilmaamo muujin “KARTA” kartida garaadka sare ee ilmaha.
Halkan Waxaa Ah Dhowr Tilmaame Oo Muujinaya Heerka Garaadka Sare Ee Ilmaha:
- Awoodda wax-akhriska hore (da’ahaan).
- Barashada iyo fahamka waxyaalaha ku xeeran si degdeg ah.
- U fiirsashada qotoda dheer leh.
- U janjeeridda su’aalaha uu wax ku ogaanayo.
- Rabitaanka faraha badan ee ku aadan inuu wax fahamo.
- Awoodda uu ku kaydinayo, kuna xifdinayo xogaha kala duwan.
- Xil isa-saaridda.
- Helitaanka waddooyin kale, kuwaas oo bedel ka ah waddooyinkii caadiga ahaa, si uu ugu xalliyo dhibaatooyinkiisa
- In arimaha uu ka eego dhankii la filayay ma’ahee dhan kale.
- In dhibaatooyinka qaar uu u arko xal, ama uu ka dhex arko xal.
- Lahaanshaha xirfadaha qaar, sida hal-abuurka, isku-dubaridka, isku-tiirsanaanta, dhamaystirka hawlaha, iyo is gaarsiinta madax-bannaani inta uu awoodo.
Tilmaamaha garaadka sare ee ilmuhu waxaa iyaduna ka mid ah “xasuusta wanaagsan”, xasuusta wanaagsan ayaa muhiim u ah caruurta, si ay u bartaan, una kaydiyaan xogaha cusub, haday tahay mida dugsiga, iyo haday tahayba tan guriga iyo qoyska.
Sidoo kale markii dhan kale laga eego, carruurta leh xusuusta aadka u wanaagsan waxay aad ugu fiican yihiin been-abuurka iyo male-awaalka ku salaysan dhalanteedka.
Lama huraan ma ahan in ay wax walba ku fiicnaadaan, Garaadka sare ee ilmuhu macneheedu maaha in ilmahani uu wax walba ku fiicnaan karo ama ugu yaraan sidii la rabay uu noqon karo, balse waxaa loola jeedaa in ilmahani uu yaqaano meelaha uu ku fiican yahay, isla mar ahaantaana uu awoodiisa saaro, badankoodana waxay gaar yeelaan oo ay galaan hiwaayad gaar ah, halkii ay ka geli lahaayeen goob walba.
Sidoo kale garaadka sare ee ilmuhu macneheedu ma aha inuu ku fiicnaado dugsiga ama wax-barashada guud ahaan, sababtoo ah waxay intooda badan diiradda saaraan hiwaayadooda oo kaliya.