Ka waalid ahaan, Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco?, “xusuusnoow” in sida aad uga fal-celinayso garaacista ay ku garaacayaan caruurtaadu ay saameyn doonto sida ay suurtogal u tahay in ilmahaagu mar kale uu ku garaaco.
Had iyo jeer carruurta yaryar waxay u nugul yihiin inay si fudud u niyad jabaan, waana kuwan qaar ka mid ah xeeladaha edbinta ee aad isticmaali karto si aad naftaada iyo carruurta uga ilaaliso wax-yeelada qaar, markaad caruurtaada barayso hababka wanaagsan ee ay ku maareenayaan dareenkooda oo ay u maareeyaan siyaabo caafimaad qabta, oo la aqbali karo:
- Deji Xeerar Adag
Samee oo daji xeerar ku aadan ixtiraamka iyo ilaalinta qoyska iyo xuquuqda dadka kale.
Una caddee ilmaha in garaaca, laadadka, qaniinyada, ama xadgudubyada jidheed in sinaba ay tahay dhaqan aan la aqbali karin, oo aan laga ogolayn guriga iyo meelaha kaleba.
Una deji xeerarkaaga si wanaagsan, oo maldahan, oo halkii aad ka odhan lahayd “ha i garaacin,” waxaad tidhaahdaa “garaaciddu way i dhibaysaa, ee mar kale samayn.”
Kala hadal ilmahaaga xeerarka aad dajisay, si aad u hubiso in ilmahaagu uu fahmay cawaaqibta ka dhalan karata hadii uu jabiso xeerarkaas, adigoo qeexaya ciqaabta uu la kulmayo marka uu ku xadgudbo xeerarkii dajisnaa.
- ku Xisaabtam Wixii Ka Dhasha Cawaaqibta
Haddi ilmahaagu uu yaqaano xeerarka aad dejisay, balse hadana uu wali wado garaacista, isticmaal qaar ka mid ah xeeladahan soo socda, si aad u damaanad qaado inuusan mar kale si caafimaad qabta kuu garaacin.
- Xaddidaada Waxyaabaha Uu Daneeyo: Carruurta qaar ayaa laga yaabaa inay u baahdaan cawaaqibyo dheeraad ah, oo ay ka mid yihiin uguna muhiim san yihiin xaddidaada waxyaabaha ay jecelyihiin ama ay daneeyaan, waxayna noqon kartaa istiraatiijiyad edbineed oo wax ku ool ah. Tusaale ahaan, waxaad xaddidi kartaa gelitaanka iyo isticmaalka ilmahaaga aaladaha elektaroonigga ah sida mobilada, loptop-yada, Tv-ga, ama aaladaha lagu ciyaaro qaarkood, adigoo muddaynaya wakhtiga xaddidaada, kuna xidhaya da’da uu jiro.
- Magdhaw: Garaacista uu ku garaacay waxaad ciqaab uga dhigi kartaa in ilmahaagu uu sameeyo hawlo ama hawl dheeraad ah, oo ka baxsan gabi ahaanba hawlihii laga rabay.
- Abaalmarin: Xoojinta dabeecadaha wanaagsan ee dhamaadkiina leh abaalmarin, waxay ilmahaaga ku dhiirigelin kartaa inuu joojiyo dharbaaxada, iyo garaacistaba. Tusaale ahaan, ku abaalmari ilmahaaga “taabashada dabacsan” kuna amaan, isla mar ahaantaana ku dhiirigali inuu markasta ku dhaqmo hab-dhaqanada wanaagsan, sidoo kale amaan marka ay ku dhagaystaan oo ay joojiyaan garaacista.
- Bar Ilmahaaga Hab-dhaqanada Wanaagsan: Caruurta kuma filna kaliya in si fudud loogu sheego, ama lagu dhaho “Ha i garaacin” ee waa in la baraa xirfadaha maaraynta cadhada, taas oo beddel u ah garaacista, isagoo ku muujinaya sida uu dareemayo.
- Bar Ilmahaaga Dareemada: Sida murugada, niyadjabka, xishoodka iyo caajiska. Kana la hadal muhiimada ay leedahay in dareemada loola tacaalo siyaabaha ku haboon, kana caawi ilmahaaga inuu ogaado xeeladaha ka caawinaya inuu si badbaado leh ula qabsado dareemihiisa.
- ka Fogow Ciqaabta Jidheed
Haddi aad mararka qaar “garaacidda” u isticmaasho ciqaab ahaan xitaa haddii ay xadidan tahay, ilmahaagu waxa uu ku jahawareeri doonaa sababta aad u ogolaatay inuu ku garaaco, halka marka kalena aadan u ogolaan, garaacistu marka dhan kale laga eego waxay kordhin kartaa qalafsanaanta iyo kakanaanta ilmaha.
Ubadku waxay wax badan oo ka mid ah hab-dhaqanada waxay ka bartaan oo ay ka arkaan waalidkooda ama barbaariyahooda, in ka badan waxa loo sheego ama lagu la taliyo, sidaa darteed dabeecadaha aad rabto inaad ku aragto ilmahaaga ama aad jeclaan lahayd inuu yeesho, waxay ka dhalan kartaa hab-dhaqanadaada.
Tusi oo ku hag ilmahaaga sida loola tacaalo cadhada, murugada, iyo niyad-jabka siyaabo bulsho ahaan ku habboon, marnabana haka lexe-jecloon la hadalkiisa iyo doodihiisa, si aad u fahamto sida uu dareemayo.
Mar kale waalidoow aan ku weydiiyo su’aashan, Maxaad Samaysaa Marka Uu Ilmahaagu Ku Garaaco?, qaybta faalada inoogu raab, hadii aad jawaab u hayso, jeclaan lahaynaa inaan ogaano arktiyada kala duwan ee ay leeyihiin waalidiintu.