Xishoodku sidiisaba ma ahan sifo xun, Laakiin mararka qaar xishoodka dhalinyarada haysta waxaa keena kalsooni darrada, halka mararka qaar kalena uu xishoodku saameyn weyn ku yeesho awoodooda, kartida hadalkooda, ka qayb galka hawlaha qaar, iyo la kulanka saaxiibo cusub.
Xishoodka dhalinyarada waxay badanka ku keentaa inay ka baxaan oo ay ka fogaadaan dadka, kana fogaadaan dhacdooyinka bulsheed ee ikhtiyaariga ah.
Haddaba, hadii inankaagu/inantaadu uu xishoodku ka hor istaagayo samaynta waxyaabaha ay rabaan, waa inaad waalidoow ka hortagtaa oo aad ka bedeshaa hab-dhaqankaas, sababtoo ah xishoodku waxay noloshiisa ku yeelan kartaa saamayn taban iyo mid toganba, wayna ku adkaan kartaa inuu ku noolaado nolosha uu rabo.
Hababka barbaarinta ayaa si wax ku ool ah uga qaybqaata joogitaanka ama maqnaanshiyaha xishoodka. Tusaale, dhalinyaradii yaraantoodii lagu soo koray xishood badan iyo buunbuun, waxay u badan tahay inay la noolaan doonaan xishoodka wakhtiyo danbe, hadii aysan ku baraarugin mooyee. Hidde-sidayaasha ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaara soo bandhigida da’yarta qaar heerkooda ku aadan xishoodka.
Waayo-aragnimada nolosha iyo dabeecadaha qaar ayaa iyaguna door muhiim ah ka ciyaara. Dhalinta la kulanta waayo-aragnimo xun haday noqon lahay hadal xun, fal qallafsan, ama hab-dhaqan aan suubanayn, waxaa laga yaabaa inay u badan tahay inay noqdaan kuwo fur-furan oo ka fog xishoodka shucuureed. Halka dhalinta ku soo kortay dabacsanaan hufan, iyo kal-gaceyl xad dhaaf ah, ay u badan tahay inay aad ugu dhaw yihiin xishoodka.
Tilmaamaha Xishoodka Dhalinyarada
Dhallinta xishoodka badan waxay qabaan dhibaatooyin kala duwan, oo ay ugu horrayso, inaanii ku dhiiran karin la hadalka macalimiintooda, taasoo wax u dhimi waxqabadkiisa waxbarasho, halkii ay caawimaad ka waydiisan lahaayeen macalimiintooda marka ay fahmi waayaan su’aasha imtixaanka, waxa laga yaabaa inay iska aamusnaan oo ay ka shaqeeyaan inta karaankooda ah, Natiijo ahaanna, waxaa laga yaabaa inay helaan darajooyin ka hooseeya heerkooda tacliineed, iyadoo ay ugu wacan tahay xishoodkoodan faraha badan.
Muddo ka dib hadii ay sidaa ku socoto, waxa laga yaabaa in dhalinta qaar ay dareemaan awood la’aan iyo wax-qabasho la’aan. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inay rumaystaan inaysan awood u lahayn inay horumariyaan noloshooda, mar walbana waxay ka fogaadaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay la kulmaan.
Xishoodka dhalinyarada ayaa leh astaamo iyo tilmaamo gaar ah, oo ay ugu caansan yihiin:
- Lab-labayn badan, ma yeelan karo fikrad cad oo qayyaxan.
- Aad u xishood badan, gaar ahaan kulanka shisheeyaha iyo kulanka jinsiga ka soo horjeeda.
- In badan ayuu ka fikiraa dhibaatooyinkiisa, wuxuuna u janjeeraa inuu sii balaadhiyo oo uu sii adkeeyo, isagoo is leh xal u keen.
- In badan ayuu maskaxda rog-rogaa, wuxuuna suuraystaa ficillo male-awaal ah, heer ay fikirkiisu mararka qaar gaaraan dhalanteed cad.
- Wuxuu u badan yahay inuu dhaleeceeyo nidaamka bulshada iyo kacaanka ka dhanka ah barbaarinta waalidka.
Ugu Danbayntii
Qofku waa inuu ku dadaalaa sidii uu uga gudbi lahaa xishoodkan dheeraadka ah, sidoo kale waalidiintu waa inay ubadkooda ku baraarujiyaan oo ay ka caawiyaan sidii uu uga bixi lahaa xishoodkan dheeraadka ah, iskuna dayaan inay wax ka badalaan. Loomana baahna in lagu qasbo dhallinta dagan ee aamusan in ay ku noolaadaan nolol buuq iyo qaylo leh.
Xalkeeda mxa uguso dari weeseen
walaal waxaan u baahmay inaan arrin khaasa kuu sheego please walaal
waxaad naga la soo xidhiidhi kartaa instagram-ka: @ubadkacom, ama email-keena: qormooyin@ubadka.com